Hargeysa: Prof Cali Khaliif Galeydh oo u Safray magaalada Muqdisho

Hargeysa (SLpost)- Prof Cali Khaliif Galeydh, Hoggaamiyaha Khaatumo, ayaa maanta u safray magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya oo ay muddo sannado ahi ugu dambaysay.

Prof Galaydh oo Maanta ka ambo-baxay Magaalada Hargeysa ayaa tagaya Magaalada Addis Ababa, ka dibna waxa uu Isniinta berri u duuli doonaa Magaalada Muqdisho, sida uu saxaafadda u xaqiijiyey, waxaanu sheegay inaanu safarkiisu la xidhiidhin wax siyaasad ah.

“Safar Deg-deg ah ayaa i soo galay, Magaalada Addis Ababa ayaan Caawa joogayaa, ka bacdina Xamar baan u gudbayaa.” ayuu yidhi, Prof Samatar oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

“Arrin ii gaar ah ayaan Xamar u aadayaa, Niman guddi ah oo aanu hawshii Somaliland wada wadnay muddo dhowr Sano ah, ayaa hadda kala maqan hawshiina way noo dhadhowdahay, Dalka Dibeddiisa ayay Saddex ka mid ah 7-dayadii ku maqan yihiin, waxayna maqnaanayaan 10 cisho, Anniguna arrintaa (ii gaarka ah) ayaa Xamar u aadayaa,” ayuu yidhi Prof Galeydh.

Prof Galaydh oo ka hadlayey heshiiska Somaliland iyo Khaatumo kala saxeexdeen, waxa uu yidhi,“Waxaanan ku rejo weynahay in arrintaa Dadka reer Khaatumo muddada dheer sugayeen la kala tuuri doono.”

Somalilandpost.net