Hargeysa(SLpost)-Magaaladda Hargeysa ayaa ay hilib la’aani soo foodsaartay kadib markii ururka hiliblayaasha ee Nafaqo uu ku dhawaaqay shaqo joojin uu kaga cabanaayo shirada hilibka qasha oo labanlaabtay lacagtii qalitaanka hilibka.
waxa maanta oo ah maalintii labaad ee shaqo joojinta si weyn looga dareemay guud ahaan Hargeysa hilab la’aan, waxaana inta abdan guryaha iyo hudheeladaba la istimaalayay hilbka cad oo uu ka mid yahay ka kaluunku.
ururka hiliblayaasha Nafaqo iyo shirkada hilibka qasha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay uu sii kordhaayay is afgad la’aan ka haysata dhanka sixirka lagu qalaayo xoolaha, waxaana dhawaan ay shirkadu sare u qaaday labanlaab qiimihii ay neefka ku qaloijirtay.