Hargeysa oo la furay Shir lagaga dooday Kootada Haweenka iyo Doorkooda ka-qayb-galka Siyaasadda Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furtay kulan lagaga dooday Doorka Haweenka ee ka Qayb-galka Siyaasadda Dalka iyo sidii Kuraasi gaar ah looga astayn lahaa hay’adaha Sharci-dejinta ee dalka.

Kulanka oo ay furtay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, waxa ka qayb-galay haween kala duwan kala socday Axsaabta Siyaasada, ururrada Bulshada Rayidka ah iyo marti0-sharaf kale, waxaana halkaas ka hadlday masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada oo si qoto-dheer sharraxaad uga bixiyey ujeedka kulanka iyo Arrimaha laga doonayo inay ka soo baxaan.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE