Hargeysa: Nuxurka Qodobbo ka soo baxay Shir maalmo socday oo lagu xoojinayo Ammaanka Caasimadda

 

Hargeysa (SLpost)- Shir ku saabsan Xoojinta Ammaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyey Xarunta Dowladda Hoose, waxaana shirka ka soo baxay qodobbo hor leh oo kor loogu qaadayo ammaanka magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Kulanka maanta lagu soo af-meeray shirkan, waxa goob-joog ka ahaa Maamulka Caasimadda Hargeysa oo uu horkacayo maayar Cabdiraxmaan Soltelco, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka caasimadda, guddiga nabad-gelyada ee xaafadaha magaalada iyo saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka.

Shirka oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu dhammaaday saxaafadda la hadlay isla markaana mid mid u sheegay qodobbada ka soo baxay Maayar Cabdiraxmaan Soltelco.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose