HARGEYSA: Muwaadinka Hindisay Beerta Lamaanayaasha oo Bulshada Baaq Bushaaro ah u Diray

Hargeysa (SLpost)-,Muwaadin lagu magacaabo Nabadoon Cabdilaahi Cabdi Yuusuf oo ah Nin Dhalinyara oo si taba-rucaad ah Bulshada ugu adeega, isla markaana si gaar ah uga shaqaya hawalha Arrimaha Bulshada, gaar ahaan hagaajinta Bilicda, Dhir beerista sidoo kalena hindisay Beer lagu magacaabo Beerta Lamanayaasha, oo uu ugu talagalay inay Lamaanayaasha is mehersada, kuwa aqal gala iyo sidoo kale kuwa ay Caruuri u dhalato inay dhir ku beeraan Beertan, si ay ajar uga helaan, ayaa Bulshada baaq u diray, waxaanu ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadan.

Nabadoon Cabdilaahi Cabdi Yuusuf  oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxa aan Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan Lamanaayaasha is guursada, aqal gala, kuwa is mehersada iyo kuwa Caruuri u dhalato ogeysiinaya inay Beerta Lamaanayaasha oo ku taala Dawaldda hoose Hargeysta agteeda inay Dhir ku beeraan si ay if iyo akhriba u libaan, maxa yeelay weynu ognahay qiimaha uu leeyahay iyo ajarka uu helayo qofka hal geed beera, ilaa hadda lamaanayaal xoogaya ayaa yimid dhirna ku beeray, markaas waxa aan ugu baaqaya lamaanayaasha doonaya inay dhir ku beeraan iyo cid walba oo waribixin arintan ugu baahan inay igala soo xidhiidhaan Lambarka 4017075