HARGEYSA: Munaasibad Isbahaysiga Kulmiye ay Ku Durayaan Madaxtooyada oo Ka Socota Huteel Crown

Hargeysa(SLpost) – Hotelka Crown ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka socota munaasibad balaadhan oo ay leeyihiin musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye. Munaasibadda oo  ah mid qado sharaf ah ayaa lagu sharxay boodhadh muujinaya ujeedka munaasibadda oo lagu durayo madaxtooyada iyo hogaanka Kulmiye.Shirka Isbahaysiga

Musharaxiinta qado sharaftan leh ayaa kala ah musharax Cabdicasiis Samaale, Musharax xildhibaan Kijaandhe iyo musharax Maxamed Biixi Yoonis, kuwaasi oo u ordaya musharaxnimada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye. Waxaa madasha ku sugan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee iscasilay.

Munaasibada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweyne Siilaanyo xalay khilaafka Kulmiye u magacaabay guddi ka madax banaan labada dhinac ee isku haya Kulmiye.

Wixii war ah ee ka soo baxa munaasibaddaas waxa aad kala socon doontaan Somalilandpost goor dhaw.