HARGEYSA: Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo Caawa ka Badbaaday Isku-day Dil lala beegsaday

Xildhibaan QabilleHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa ka bad-baaday Isku-day Dil ka dib markii caawa fiidkii lagu rasaaseeyay xaafadda Jigjiga yar ee caasimadda Hargeysa.

Ma jiro war rasmiya oo aanu ka helay Xildhibaan Qabile oo telefoonkiisa gacantu xidhanyahay, haseyeeshee xubno ka mid ah ehellada Xildhibaanka, ayaa  sheegay in nin bastoolad ku hubaysani xildhibaanka ku rasaaseeyay Xaafadda Jigjiga yar ee caasimadda Hargeysa, balse Ilaahay ka duway oo aan wax khasaare ahi ka soo gaadhin Xildhibaanka.

Warka aanu ka ehlay ehlada Xildhibaanku wuxuu intaa raaciyay in ninka soo weeraray Xildhibaan Qabileintii aanu bastoolada ku ridin ku yidhi, “Maxaa lagaa siiyaa Madaxweynaha,” ka dibnau xigsiiyay rasaasta.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa lagu sifeeyaa inuu yahay Xildhibaanka qudha ee aan mar qudha mabda’iisa siyaasadeed ku milmin dhaqaalaha xukuummadihii kala dambeeyay iyo tan Madaxweyne Silaanyo ee xilka haysaa ku furfurto xildhibaannada Mucaaridka u badnaan jiray oo immika boqolkiiba sagaashan dhinaca xukuumadda u janjeedha.

Xildhibaanku wuxuu muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga soo horjeeday siyaasadda hoggaamineed ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu saxaafadda u mariyay dhalliilo iyo toosin badan.

Maaha markii u horraysay ee Xildhibaan Qabille lagu soo qaado weeraro hubaysan oo ka dhan ah mabda’iisa siyaasadeed sannadkii 2009 08 November, ayaa dirqi kaga badbaaday isku day dil oo rasaas lagu riday xilli habeenimo ah Degmada Gacan Libaax, gaar ahaan xaafadda Daami ee Bariga Hargeysa.

XIGASHO: Berberanews