Hargeysa: Mudaharaad ka Dhashay Hawl-gal Ciidamo Sameeyeen Xaafadda Xawaadle

Hargeysa (SLpost)- Ciidamo Boolis ah ooh awl-gal bartilmeedsan u socday, ayaa saaka subaxnimadii ka dul-dagay isla markaana xoog ku galay guri ku yaala xaafadda Xawaadle ee degmada 26 June ee magaalada Hargeysa,  halkaas ay ku doonayeen inay ku qabtaan wiil dhalinyaro ah oo loo aanaynayey inuu ka mid ahaa koox dhalinyaro oo xaalado ammaan-darro wakhtiyada habeenkii ka geysta shaaracyada xaafadaha qaarkood.

Haseyeeshee, ciidamada booliska oo ku hungoobay qabashada wiilkaas oo aan wakhtigaas ku sugneyd xaafaddooda, ayaa beddelkiisa isku dayey inay xidhaan waalidka wiilkaas dhalinyarada ah, gaar ahaan hooyadii oo wakhtigaas diyaarinaysa Quraacda qoyska, taas oo sida la sheegay ay ula dhaqmeen sifo hab-dhaqanka suubban baalmarsan isla markaana ay xoog ku saareen baabuur ay wateen.

Balse dadkii jaarka la ahaa qoyska hawl-galka lagu fuliyey, ayaa ka cadhooday hab-dhaqanka ciidamada boolisku kula kaceen hooyada qoyska, kuwaas oo markiiba ku gadooday ciidankii booliska ahaa isla markaana taayirro ku gubay jidka dhexmara xaafadaha oo ku darsama waddamada laamida ah ee Idaacadda iyo Xero-awr u dhexeeya isla markaana ay xidheen dhammaan waddooyinka xaafaddaas soo gala, taas oo sababtay inuu xidhmo isu-socodkii xaafaddaasi.

Boqolaal Booliis ah oo ka laga soo kala ururiyey Saldhigyada booliska magaalada Hargeysa iyo ciidamada u tabobaran hawl-gallada gaarka ah ee RRU oo ay weheliyeen booyado biyo ah oo loogu talo-galay deminta dabka ka kacay Taayirrada la gubay, ayaa birmad ku gaadhay xaafaddaas, halkaas oo ay ka fuliyeen hawl-gallo lagu qab-qabtay dhalinyaro tiro badan iyo dumar lagu tuhmay inay maleegeen mudaharaadkaas.

Hawl-galkan oo socday muddo saacado ah, ayaa u muuqday mid ciidanka boolisku kaga jawaab-celinayey mudaharaadka dadka xaafaddu kaga hortagay hab-dhaqanka ay kula kaceen hooyada qoyska wiilkooda la baadi-doonayey, kaas oo mar kaliya isu-beddelay weerar hawl-galkiisu ku baahay dhammaan xaafadaha.

SOMALILANDPOST.NET