Hargeysa: Meytida Tobanaan la Xasuuqay oo Aas-Qaran loo sameeyey

Hargeysa (SLpost)- Ugu yaraan 20 Qof oo kamid ahaa Dadkii ay xasuuqeen Ciidamadii Milateriga Soomaaliya, ayaa Lafahooda Aas-qaran loogu sameeyey duleedka Magaalada Hargeysa.

 

Maytida Qalfoofkooda dib loo aasay waxa kamid ahaa 2 Dumar ah iyo Carruur ah, waxaana la sheegay inay dhamaantood ku dhinteen duqeymo ay Ciidamada Cirka ee Dawladda Soomaaliya ka fuliyeen Magaalada Hargeysa, wakhti ku siman sideetamaadkii.

 

Munaasibada Aaska Qaran loogu sameeyey Dadkaasi waxa kamid ahaa Madax ka socda Wasaarada Cadaalada Somaliland iyo Hay’adda dawladda u qaabilsan daba-galka xasuuqii Somaliland ka dhacay.

 

Saraakiisha ayaa sheegay inay Lafahani kamid yihiin boqolaal Xabaal-wadareed oo ay ku jiraan Dad rayid ah oo ay laayeen Milateriga Soomaaliya, kuwaasoo wali baadhitaankoodu socdo.

 

Khadar Axmed Like oo ah Guddoomiyaha Guddida daba-galka xasuuqa, ayaa sheegay in aan laga hadhi doonin dadkii geystay xasuuqa lagu laayey Kumanaanka ruux ee lagu qariyey Xabaal-wadareedyada.