HARGEYSA: Maxkamadda Gobolka oo Sanduuqa Lacagta ee Dawladda Hoose ku Leedahay Bangiga Dhexe

Hargeysa(SLpost)-Maxakamadda Gobolka Maroodijeex ayaa amartay in xayiraad la saaro sanduuq xisaabeedka (Account) ay dawladda Hoose ee Hargeysa ku leedahay Bangiga dhexe, kadib markii  ay maxkamaddu soo gunaannaday dacwad uu muwaadin reer Somaliland ahi uu maxakamadda u  gudbiyay dacwad ka dhan ah Dawladda Hoose ee Hargeysa, taas oo uu cabasho kaga muujiyey in xuquuq uu ku lahaa ay duudsiday.

Qoraal amar xayiraad ah oo maxakamadda Gobolka Hargeysi soo saartay oo xalay lagu baahiyey telefishanka Afka Soomaaliga ku hadla ee KALSAN ayaa lagu amray dhaqdhaqaaqa sanduuq xisaabeedka    lambarkiisu yahay [Sl.Sh. s= A/C. NO.09 iyo Dollar A/C. No. 02) ee ay dawladda hoose ku leedahay Bangiga dhexe ee Somaliland.

Go’aanka Maxakamadda Gobolka oo uu ku saxeexan yahay Garsoore  Maxamed Xuseen Caraale ayaa  lagu sheegay in ay maxakamaddu gaadhay kadib markii ay masuuliyiinta dawladda hoose ee eedaysanayaasha ahi hor iman waayeen fadhiyadii Maxakamadda ee ay dacwaddu socotay, iyada oo  lagu amray  lagu fuliyuhu [Dawladda hoose] in uu  muddo cayiman oo toban cisho ah ku bixiyaan  xuquuqda muwaadinka dacweeyey.

Qoraalka Maxakamadda oo lagu socodsiiyay guddoomiyaah bangiga dhexe isla markaana lagu ogaysiiyey lix masuul oo laba ka mid ahi wasaaradda Maalliyada yihiin ayaa isaga oo dhamaystiran waxaa uu u dhignaa sidan:

“Ku: Guddoomiyaha Baanka dhexe

Og: Guddoomiye ku xigeenka Baanka

Og: Maayarka Caasimadda Hargeysa

Og: Xogahayaha fulinta ee dawladda Hoose

Og: loo fuliye Cismaan Ciise Faarax

Og: Wasiirka Maalliyada Somaliland

Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda Maalliyada 

Ujeeddo: Amar xayiraad Xisaabta Akownka dawladda Hoose

“Maxakamada Gobolka Maroodijeex iyada oo tixraacaysa amarka fulinta xoogga ah ee sumadiisu tahay MGH/DFL/69/2014 kuna taariikhaysan 16/11/2015 ee soo baxay 22/11/2015, kaasi oo ay maxakamada gobolka Maroodijeex [Hargeysa] ku amartay lagu fuliyaha dawladda hoose in ay muddo 10 cisho ah gudahood ay ku bixiyaan xuquuqda muwaadinka loo fuliyaha sare ku suxan.

Haddaba waxa ay maxakamada gobolka Maroodijeex idinku amraysaa in aad xayirtaan lacagta ku jirta lambarka dawladda hoose ku leedahay bangiga dhexe ee hargeysa, xisaabtaas oo namberkeedu yahay [Sl.Sh. s= A/C. NO.09 iyo Dollar A/C. No. 02).

Sababtuna ay tahay iyada oo ay ku waajibtay xuquuq dhan $6800 [Lix kun iyo sideed boqol oo dollar] oo uu leeyahay loo fuliyaha magaciisu yahay Cismaan Ciise Faarax, kaasi oo ay maamulka dawladda hoose ka dhego adaygeen in ay yimaadaan maxkamadda gobolka Hargeysa,   Sida ku xusan qaraarka aanu ku soo lifaaqnay  amarkan. Sidaasi darteed maxakamaddu waxa ay idinku amraysaa in aan la isticmaali karin xisaabaadka sare ku xusan   isla markaana aad ku xayirtaan sida ugu dhakhsaha badan, una fulisaan amarkan illaa amarkan.

Alaa Mahad leh

Maxamed Xuseen Carraale

Garsooraha Maxakamada Gobolka Hargeysa.

Somalilandpost.net 

Hargeysa, Somaliland