Hargeysa: Maxkamad Xukunno Adag ku ridday Haweenay Afkaar Qaldan ka faafisay Diinta Islaamka

beer-geelHargeysa (SLpost)- Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa xukun ku ridday haweenay lagu helay fal-dambiyeed kaga caddaatay maxkamadda Horteeda, taas oo ku saabsan khal-khalgelin iyo aragtiyo khaldan oo ay ka faafisay Diinta Islaamka, isla markaana ay magaalada Hargeysa ka fulisay ololeyaal ka dhan ah is-dhex-galka bulshada iyo u hoggaansanaan nidaamka dowladnimo.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Sacda Sheekh Yuusuf War-dheere oo u dhalatay gobollada Dhexe ee dalkaasi Soomaaliya, waxa maanta xukunno kala duwan oo xadhig iyo ganaax isugu jirta ku ridday Maxkamadda Degmada Hargeysa, kaddib markii la soo gebo-gabeeyey dhegaysiga dacwadda oo muddo lix maalmood ah hortaallay maxkamadda.

HALKAN KA DAAWO