HARGEYSA: Magacyada Shaqaalihii ugu tirada badnaa ee WARFAAFINTA oo Shaqo ka joojin iyo Mushahar la’aan Dhowr bilood ah lagu soo rogay (Akhriso Wareegtada)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu Shaqo ka-joojin iyo Ganaax dhan Saddex bilood oo mushahar la’aan ah ku rogay 24 ka mid ah Shaqaalaha wasaaraddaas.
Shaqaalahan oo isugu jira masuuliyiinta dhawaan laga qaaday xilal ay hayeen iyo hawl-wadeenno kale, ayaa dhawaan cabasho ay ka muujiyeen Isku-shaan-dheyntaas oo ay ku dhaliileen wasiirka wasaaradda oo ay farriin u mariyeen warbaahinta madaxa=bannaan.

Wareegtada anshax-marinta ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka, ayaa lagu socodsiiyey dhammaan 24 shaqaalaha ah iyadoo ogeysiin la siiyey Madaxda Wasaaradda, Xeer ilaalinta Qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo dhammaantood ah hay’ado ay quseyso tallaabada shaqo ka joojinta iyo mushahar la’aanta lagu ganaaxay.

Waa kale oo wareegtada Wasiirka lagu sheegay in go’aanka rasmi ah la gaadhi doono kaddib marka ay dhammaato muddada ku xusan wareegtadan.

Magacyada Shaqalaha ayaa kala ah sidan:_

  1. Abiib Iimaan Xasan
  2. Maxamed Xuseen Cali
  3. Mowliid Maxamed Shaqalle
  4. Cabdirisaaq Cismaan Maxamed
  5. Xasan Maxamed Muuse
  6. Khaalid Sacad Muuse
  7. Maxamed Cabdilaahi Sh. Cismaan
  8. Khadar Xuseen Siciid
  9. Nuur Cumar Jaamac
  10. Cabdiqaadir Xuseen Nuur
  11. Ismaaciil Maxamed Cakulle
  12. Daa’uud Xuseen Xiirey
  13. Maxamed Ciise Aadan
  14. Cabdiraxmaan Saleebaan Caynaan
  15. Nimcaan Axmed Dagaal
  16. Cabdiraxiim Muuse Yuusuf
  17. Xasan Ismaaciil Maxamed
  18. Mustafe Cali Xasan Case
  19. Saynab Maxamed Cabdi
  20. Maxamed Muuse Banjiidh
  21. Yuusuf Maxamed Ismaaciil
  22. Axmed Xuseen Warsame
  23. Cali Axmed Cawaale
  24. Cabdisitaar Cabdilaahi Cali

Tallaabadan, ayaa noqonaysa Markii u horeysay ee go’aan noocan ah lagu fuliyo shaqaale intaas le’eg oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ah hay’adda ugu muranka iyo khilaafka badan wasaaradaha dalka.

warfaafin (1)warfaafin (2)