Hargeysa: Magacaabista Riyo-Raac ee Komishanka, Mowqifka Adag ee Mucaaradka iyo Makeekiga Muranka Siyaasadeed oo sii Xoogaystay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida Doorashooyinka Somaliland ee dhawaanta la dhaariyey, ayaa maanta iska dhex-doortay inuu guddoomiye u noqdo Cabdirashiid Riyo Raac oo ka mid ah saddex xubnood oo uu soo magacaabay madaxweyne Muuse Biixi.

Guddidan Doorashooyinka oo todoba xubnood ka kooban, ayaa baarlamaanka Somaliland ansixiyey dhowaan iyadoo ay ka maqan tahay xubintii xisbiga Waddani ku lahaa Guddidaasi, kaddib markii uu cirka isku shareeyey khilaaf xooggan oo u dhexeeyey Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaradka oo ka biyo-diiday sharciyadda xubinnimada guddoomiyaha cusub ee la doortay oo ay sharci-darro ku tilmaameen mucaaradku kaddib markii ay ku doodeen inuu yahay siyaasi ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, taasina ay ka hor imanayso sharciyadda u taalla xulashada xubnaha Komishanka.

Haddaba, waxa tallaabadan ka dareen-celiyey Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland oo markii horeba aan oggolayn xubinimada Cabdirashiid Riyo-Raac, iyagoo mawqif adag oo ay ku diidan yihiin iska taagay in Cabdirashiid Riyo-raax loo doorto inuu Gudoomiye ka noqdo Komishanka Doorashooyinka.

Ugu horayn Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batoon ayaa ka hadlay aragtida xisbiga Waddani ee ku saabsan Doorashada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka loogu doortay Riyo-raac.

“Xaaladda Somaliland ma marayso xisbiyoow maxaad qabtaaye, bahashanina Komishana ma taagna, Doorashana ma taagna, Dimuqraadiyadd ma taagna, xisbiyo ma taagna, waar jiritaankiii qaranimada Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye, markaa masiirkii ummaddani 30-ka sano soo dhaqaysay ee intaa aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkhal ku jira, markaa talo qaran iyo badbaado qaran ayay maanta taagan tahay,” Sidaas waxa yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun.’

Dhinaca kale, waxa arrintan ka biyo-diiday isla markaana sharci-darro ku tilmaamay xubinta xisbiga UCID ee guddiga Doorashooyinka oo aan isagu ka mid ahayn xubnihii doortay Cabdirashiid Riyo-raac oo tiradoodu ahayd Afar xubnood marka isaga laga reebo.

Dhinaca kale, waxa doorashada Guddoomiyaha kaddib isla maantaba si rasmi ah xilka ula wareegay Xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo masuuliyadda shaqo kala wareegay guddigii iyaga ka horeeyey,

Si kastaba ha ahaatee, Doorashada Cabdirashiid Riyo-raax oo xubinimadiisa khilaafku ka dhashay, ayaa sida muuqata sii hurinaya khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ee dhinaca Arrimaha Doorashooyinka.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Doodda Xubinta UCID ee Komishanka Doorashada

 

Mowqifka Xisbiga Waddani ee Doorashada Cabdirashiid Riyo-raac

Somalilandpost.net