Hargeysa: Madaxweynihii hore ee Nigeria oo Socdaal ku yimi Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

 

Obasanjo waxa Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan-Saylici iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Siyaasigan oo caan ka ah Qaaradda Afrika isla-markaana lagu Xasuusto inuu Talada Dalka Nigeria oo uu muddo dheer gacanta ku hayey dalkaas oo uu si dimuqraaddi ah xilka ku wareejiyey sannadkii 2007-dii, ayaa la sheegay inuu Somaliland ku yimid Casuumad uu ka helay Xukuumadda Somaliland.

 

Obasanjo ayaa la filayaa inuu Saacadaha soo socda kulan la yeesho Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi.

Olusegun Obasanjo oo ahaa hoggaamiye si weyn looga yaqaanay qaaradda Afrika iyo Guud ahaan adduunka, ayaa Dalka Nigeria Xukun milatari ku maamulayey intii u dhaxaysay 1976 ilaa 1979-kii, Haseyeeshee waxa uu mar labaad noqday madaxweyne dadku soo doorteen sannadkii 1999-kii isagoo xilka ka dagay sannadkii 2007-dii.

 

Olusegun Obasanjo waxa uu sidoo kale soo qabtay xilka Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo uu soo hayey intii u dhaxaysay 2004-tii ilaa 2006-dii isagoo xilligaas madaxweyne ka ah waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika ee Nigeria.