Hargeysa: Madal kulmisay Masuuliyiin oo lagu Maamuusay Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Ethiopia

 

Hargeysa (SLpost)- Munaasibaddan Casho-sharafta ahayd oo lagu maamuusay Safiir ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo uu sameeyey Cabdiqaadir Muxumed Guuleed camash oo ka mid ah dhalinyarta waxbaratay, waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Wasiir kuxigeenno, Agaasimeyaal guud, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhi jiray Itoobiya, Suxufiyiin, Qorayaal, mudan iyo martisharaf kale.
Waxa ugu horrayn halkaas ka hadlay Cabdiqaadir Cambash. Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Ku-xigeenka Badhasaabka Maroodi-jeex khadar Baaruud Cumar. Lataliyaha Wasiirka Warfaafinta Muuse Faarax Jaambiir, Maxamed Maxamuud Barawaani oo wasaaradda arrimaha dibedda ka socday, Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka
Cumar Sayid, Agaasimaha Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha Diinta iyo awqaafta Aadan Cabdillaahi Cabdalla, Agaasimaha guud ee Qorshaynta mr. Mubaarak, Kuwaasoo dhammaan hambalyo iyo ducu u diray.

PSidoo kale, waxa iyaguna xafladdaas ka hadlay Cali Salaan Jirde (Shoombe) Safiirkii hore ee somaliland u fadhiyey Itoobiya waqtigii Xukuumaddii Siilaanyo.
Wasiir ku xigeenka caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, waxaanay bogaadin, duco iyo dardaaranba u jeediyeen Safiir ku-xigeenka cusub.

Gunaanadkii waxaa halkaas ka hadlay Safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye oo u mahadceliyey saaxiibkiisa casho-sharafta ku maamuusay, madaxda iyo xubnaha kale ee ka soo qaybgalay, ducada iyo hambalyadana soo gaadhsiiyey.