HARGEYSA: Maayarka Caasimadda oo ka Qaatay Qaadhaan lagu ururinayey kulan ku qabsoomay Xabaalo Dushood

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimada Hargaysa Eng Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa markii saddexaad bishan gudaheeda kormeer ku maray Xabaalaha boqol-jire ee Galbeedka Hargeysa oo fatahaadaha daadadku khasaare u geysteen, halkaas oo lagu qabtay kulan qaadhaan loogu ururinayo Kaabado lagu wareejinayo xabaalaha.

Kormeerka Maayarku maanta ku tagay Xeebaha oo ay goob-joog ka ahaayeen qaybo badan oo ka mid ah wax-garadka bulshada Caasimadda, ayaa ahaa jawaabta qaylo-dhaan uu bishan horaanteedii maayarku u jeediyey shacabka Hargeysa sidii looga qayb-qaadan lahaa dedaallo dawladda hoose hormuud ka tahay oo dib-u-dhis loogu samaynayo, waxaana halkaas laysugu keenay lacag xaddigeedu dhan yahay 54 Kun oo Dollar oo ay yabooheen bulshadii ka qayb-gashay kulanka.

maayarkaMaayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiidi (Soltelko) oo halkaas ka hadlay, ayaa Sheegay in Dawlada hoose ee ay kafaalo-qaadday hirgelinta Biyo-xidheen lagu yaraynayo biyaha badan ee xabaalaha ku soo rogmada xilliyada roobka oo ka yimaadda buurta lagu magacaabo Isha Cobasha ee dhinaca Koonfureed/Galbeed ka saaran goobta ay Xabaaluhu ku yaallaan.

Maayarku waxa uu baaq u diray bulshada ku dhaqan caalamka iyo Magaalada Hargaysaba in ay si wayn uga qayb qaataan qaadhaanka loo ururinayo Xabaalaha boqol-jire, waxaanu yidhi, “Waa Arbacadii Saddexaad ee aynu iskugu nimaadno Xabaalaha Boqol Jire, waxaana loo kala saaray Laba qaybood. Qaybta ah in la sameeyo Kaabadahii Biyaha ka qabanayay Xabaalaha iyo qaybta labaad oo ah in Isha -cobosha laga xidho biyihii badnaa ee ka imanayay, isla markaas loo sameeyo dhaamam ay biyuhu ku dhacaan, Qoladii Qandaraaska qaadatay waxa ay kusoo qiimeeyeen Dhawr iyo Sagaashan kun Xaga hoosena Dhawr iyo lixdan kun,Markaas ka dawlada hoose ahaan dhamaan lacagtaas ku baxaysa oo dhan anaga ayaad qaadanaya”.

Sidoo kale maayarku waxa uu sheegay in ka dawlad hoose ahaan qaybta ugu badan ka qaadan doonaan qaadhaanka loo ururinayo Xabaalaha, waxaanu yidhi, “Dadkii Maalintii hore lacagta ku deeqay waxa hormuud u ahaa Cabdiqaadir Xaashi oo ku deeqay Toban kun oo Dollar, maanta halkan waxa aynu iskugu nimid in aynu ka qayb qaadano qadhaanka loo ururinayo xabaalaha Boqol-jire, waxaana qofkasta looga baahan yahay inuu wixii uu ku tari karo kaga qayb qaato.”

Sidoo kale waxa isna kulan kaasi Qadhaanka loogu uruurinayay Xabaalaha boqol jire ka hadlay Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada dalka, waxaanu yidhi, “Waxa aynu u baahan nahay inaanay hawshaasi nagu soo noq-noqonin oo aynu taxaddar dheer ka yeelano, hawshaasina sida ugu dhakhsaha badan aynu iskaga dhamayno. Biyahan la xidhayana waxa loo baahan yahay in aynu manafacaad Sano, lana sameeyo biyo xidheenno si ay bulshadu uga faa’idaysato. Waxa jira bulsho badan oo ku ooman caasimada Somaliland ee Hargaysa, kuwaas ayaa ka faa’idaysan doona,waxaana ay inaga xidhi doonaan Biyihi Badnaa ee xabaalaha jiidhayay.”

Xabalaha Boqol-jire ee magaalada Hargeysa oo ah kuwa qadiimsan, ayaa halis ugu jira inay gebi ahaanba noqdaan goobo biyo-mareenno, ka dib markii ay ku soo jabeen togag ka soo rogmada buuraha dhinaca Koonfur-galbeed ka xiga, arrintaas oo sababtay in Culimada iyo wax garadka ku dhaqan Magaalada Hargaysa ay bulshada u jeediyaan qaylo-dhaan loogu gurmado baadbaadinta iyo daryeelka Xabaalaha.

SOMALILANDPOST.NET