Hargeysa: Kulan lagu darsayo qaabka Tamarta looga dhaliyo Dabaysha oo markii ugu horreysay laga qayb-galiyey Mulkiilayaasha Warshedaha Korontada ee Gobollada dalka

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo hawada Axmed Dalal  Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Tamarta ee Wasaarada Macdanta iyo biyaha Saleebaan C.laahi Jaamac ayaa maanta furay shir ku saabsan sidii dabaysha looga dhalin lahaa tamarta la isticimaalo.

Shirkan oo socon doona mudo laba maalmood ah waxaa ka soo qayb galay xubno ka kala socda wasaaradaha qorshaynta Qaranka,Beeraha,Rugta ganacsiga,iyo Mulkiilayaasha Warshadaha laydhka ee lixda gobol ee waaweyn.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo hawada Axmed Dalal  Faarax ayaa sheegay in shirkan lagu dhiirigelinayo ganacsatada ku shaqaysa tamarta iyadoo la adeegsanayo ayuu yidhi macdanta uu qaniga ku yahay dalkeenu, waxa uu agaasimaha Guud xusay in hadii mashruucan lagu guulaysto uu faa’iido balaadhan uu leeyahay dalka isla markaana fududaynaya fursado shaqo in laga helo.

Agaasimaha Tamarta ee Wasaarada Macdanta iyo biyaha Saleebaan C.laahi Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani ku saabsan yahay adeegsiga tamarta dabaysha,isagoo intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay sameeyeen xeerarkii lagu dhaqi lahaa ka faa’iidaysiga Tamarta, taas oo ku  jirta sida uu sheegay qorshaha heerka qaran ee shanta sannadood ee soo socda.

SLpost News/Hargeysa