HARGEYSA: Khasaare Naf iyo Maal leh ooka dhashay Dab ka Kacay Xafadda Isku Raranta ah ee State House-ka

Hargaysa (SLpost)-Ugu yaraan Hal ruux oo haween ah ayaa ku geeriyootay sagaal kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo fudud ka dib markii maanta dab ka kacay xaafadda State-House-ka ee Magaalada Hargaysa.

Xafiiska bisha case ee Gobolka Maroodijeex oo warbixin hordhac ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay dabkaasi ka kacay xaafadda State-House-ka oo ah meel ay degan yihiin dadka baro-kacayaasha ah ayaa waxa ay sheegeen inuu gaystay khasaare naf iyo moodba leh
Gudoomiyaha Xafiiska Bisha case e Gobolkani Md Axmed Ciise Maxamuud oo u warramay Wakaaladda wararka Somaliland ayaa sheegay in Dabka qabsaday Xaafadda state House-ku uu bilaabmay 1:30 duhrnimo soconayeyna ilaa 4:00 galabnimo, kaasoo keenay dhimashada Hooyo marxuumad Maryan Aadan cabdi oo 53 jir ahayd, iyo dhaawaca sagaal qof oo kale.

news1

Md Axmed Ciise waxa uu sheegay in dabkaasi baabi’iyey 99 guri oo isugu jira buulal aqal soomaali ah iyo sandaqado ay degenaayeen barakacayaashu, intii uu socdayna ay u soo gurmadeen hawlwadeenada bisha case e Gobolka Maroodijeex, Dawladda Hoose ee Magaalada hargaysa oo gaysay gawaadhida Dabdamiska iyo dadweyne mutadawaiin ah oo ka qayb qaatay xakamaynta iyo daminta dabkaasi.

Gudoomiyaha ururka bisha case ee Gobolka Maroodijeex Md Axmed Ciise waxa uu sheegay in aan illaa hadda la caddayn Karin sababta dhalisay dabkaasi, dhowaana warbixin rasmi ah iyo qiimayn laga soo saari doono.

Somalilandpost.net

Hargaysa