Hargeysa: Khasaaraha ka dhashay isku-dhac dhex maray Ciidamada Booliska iyo Shacab hubaysan

Hargeysa, 15 April, 2012 (SLpost)-Ugu yaraan 4 qof ayaa dhaawacyo culisi ka soo gaadheen iska hor-imaad hadda Dhismaha Inji Xaafadda Dumbuluq ee degmada Axmad-dhagax dad shacab ah iyo Ciidanka Booliska Somaliland ee Hargeysa.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay dhisme goobtaa ay dad shacab ahi ka wadeen, kuwaasoo dawladduna amartay in la joojiyo, ka dibna ay ciidammo dul-geysay, iyada oo ciidammadaas Booliska ah iyo Shacabka dhismaha wadahay isku dhaceen, isla markaana ay Rasaas isu adeegsadeen.

Sida xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi isku dhacaas oo sababay 4 qof oo dhaawac ah, sidaannu ka xaqiijinnay Saraakiisha Cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa ka bilaabmay goob dan guud ah oo dad shacab ahi si bilaa sharci ah dhisme guri uga bilaabeen.

Inkasta oo ay jiraan warar tibaaxaya in hal qof oo dhimasho ahi iska hor-imaadkaa hubaysan ka dhashay, haddana Saraakiisha Caafimaadku u xaqiijiyeen inay gacanta ku hayaan dawaynta afar qof oo dhaawac ah oo saddex xaaladdooda caafimaad aad u culus tahay. Goobta dagaalku ka dhacay ayaa u dhaxaysa Dhismaha dawladda ee Inji iyo Dugsiga tabobbarrada ee Xalane.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net