Hargeysa: Kaam Cusub oo Barakacayaal deggen yihiin oo ka Abuurmay deegaanka Naasa Hablood

Hargeysa (SLpost)- Waxaa kaam cusub oo Barakacayaal ah ka samaysmay Naasa Hambool, kaas oo ay ku nool yihiin 750 qoys oo danyar ah.

Qoysaskan oo hore u daganaan jiray agagaarka Waran Cade ayaa ilaa rabataantii laftan qalalan daganaa, waxaanay degan yihiin wadada tagta xabaalaha Naasa Hablood, duleedka xarunta Horn Cable TV.

Sida ay noo sheegeen qoysasku—mar aanu booqanay—waa meeshii sadexaad ee ay ka dayaan hoy Hargeysa dhaxdeeda, meelahaas oo ay duruufo kala duwan uga guurayeen.

kaam cusub“Waxaanu daganayn jaakahan ilaa iyo rabataantii. Waxaanu markii hore kasoo guurnay oo aanu ka mid ahayn deegaanka Maxamed Mooge, balse waxaa halkaasna naga soo raray duruuf oo waxaanu soo dagnay Waran Cade”, ayay tidhi Cadar Duucaale Diiriye, ayay caruur agoon ah meesha ku korisa.

Cadar waxay noo sheegtay in mulkiilaha dhulkii Waran Cade ee ay daganaayeen—oo ahaa qurbo joog—in uu ku amray inay meesha iskaga guuraa, “dadbaa naga dhax shaqeeyay oo waxaa loo sheegey in aanu nahay dad dhul doon ah”, ayay raacisay Cadar.

Goysaskani marka laga tago goobta ay dagan yihiin oo dhul ahaan laf ah, waxay ka qatan yihiin dhamaan adeegii bulshadda, sida goob caafimaad, waxbarasho, IWM.

“Cid aanu caawimo ka helnay ma jirto intaanu meesha daganayn, hadii la dhaafi waayo waxaa noo dhisay suuliyo hay’ad ajaanib ah”, ayay tidhi Ikraan Maxamed Diiriye, hooyo haysata afar caruur ah oo agoon ah.

Xataa goysaska dagan meeshu waxay ka ooman yihiin biyaha daruuriga ah. “Biyaha waanu iibsanaa oo taangi ay nasiisay hay’adii musqulaha noo dhistayna waxaa ku shubta biyaha dugida xaafadda oo dib nooga iibisa”, ayay tidhi Ikraan.

Ikraan waxay noo sheegtay jerikaanka biyaha ah ee 20 litir qaada ah in laga siiyo lacag ugu yaraan 1,500 oo shilinka Somaliland ah. Qoysaskan ayaa quuta waxa yar ee kasoo gala Jayga guryaha laga dhisto oo ay deegaanka ka uruursadaan.

“Waxaanu kala soo baxnaa qutul daruuriga Jayga oo aanu ka shaqaysanaa, maalina waa lagaa iibsanayaa maalina waad waayaysaa”, ayay tidhi Ikraan. Jaygaas oo lawdhkii laga siisto 120,000 ilaa 130,000 oo shilinka Somaliland ah, dahay buuxiyaan lawdhka.

Isku soo wada duuboo, qoysaskan waxaa ka muuqday jiif aad u xun—caruur ah ka muuqato daryeel xumo iyo guryo cariish ah oo qaarkood dumeenba.

Kaamkan barakacayaasha ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee Hargeysa ka samaysma, waxaanay tusaale u tahay sixir bararka maalinba maalinta kasii danbaysa cirka isku shareeraya iyo baahda baahsan ee dalka ka jirta ee sii muquurinaysa waliba danyarta.

Somalilandpost.net