Hargeysa: Imaam Masaajid oo ka badbaaday Isku-day Dil Fool-Xun oo lala beegsaday

xisbigaHARGEYSA (SLpost)- Waxa shalay Isku-day dil oo fool-xun ka badbaaday imaamka masaajid ku yaala Suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa, kaddib markii nin Baatrool iyo Dab sidaa ugu galay masaajidka xilli loo diyaar-garoobayey Salaaddii Duhur ee shalay.

Ninka weerarka geystay oo sita Baatrool iyo Leetar, ayaa la sheegay inuu gudaha u galay Masaajidka xilli ay dadku u diyaar-garoobayeen Salaadda Duhur, isaga Baatroolkii uu sitay oo caagad ku jiray la dul-tagay goobtii uu fadhiyey Imaamka, dabadeedna uu baatroolkii ku daadiyey Sheekha iyo dadkii fadhiyay safka ka dambeeya Imaamka. Balse nasiib wanaag, dadweynihii ku tukanayey ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka qaaday oo aanay noo suurta-galin inaanu magaciisa helno.

“Markii uu baatroolkii sidaas ugu daadjiyey safkii hore ilaa meeshii Sheekhu fadhiyey, ayuu la soo baxay leetar uu sitay. Laakiin, Illaahay waa Xag-soore’e, leetarkiibaa u bixi waayey oo kolba wuu ku cel-celiyey, laakiin markiiba dadkiibaa ka gaadhay oo la qabtay,” sidaas waxa wariye Himilo ka tirsan u sheegay qof ka mid ah dadka Meheradaha ku haysta agagaarka Masaajidka oo xilligaas ku tukanayey Masaajidka.

Masaajidka falkani shalay ka dhacay oo ku yaala Wejahadda Koonfur-Galbeed ee Aqalka Xisbiga, ayaa ah Masaajid baaxadda dhulka uu fadhiyaa kooban tahay, wakhtiyadii horena ahaan jiray dusha sare bannaan, balse immika dhismihiisa la dhammaystiray.

Dadweynihii ku tukanayey masaajidka, ayaa isla markiiba u gudbiyeen Rugta booliska ee ku taala Aqalka Xisbiga, kaas oo markii dambe isu-dhaafiyey saldhigga Booliska ee Dalooldho.

Lama oga sababta ninkan ku kalliftay weerar cadaawadda leh ee uu masaajidka ku qaaday, waxaana la noo sheegay inaanay jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Imaamka masaajidka, haseyeeshe qaar ka tirsan dadweynaha meheradaha ku leh nawaaxiga Masaajidka, ayaa sheegay in ninka oo da’diisu lagu sheegay Soddomeey uu ka tirsan dadka xoogsatada ee ka shaqaysta Suuqa Gobonimo.

Weriyaha Wargeyska Himilo goobta falku ka dhacay, ayaanay u suurta-glin inuu la kulmo Imaamka masaajidka ee ninkani bartilmaameedsaday.

Taliyaha Saldhigga Dalooldho ee magaalada Hargeysa oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey, ayaa sheegay in maalinta Berri ah Maxkamadda la hor-geyn doono Ninka dambiga loo haystay isla markaana lagu qaadi doono dambiga uu geystay.

Dadweynihii ku sugnaa masaajidka iyo intii kale ee dhacdadan ka war-heshay ayay fejeciso iyo yaab ku noqotay dhacdadan oo aanay hore u maqal.