Hargeysa: Fadeexado ka soo If-baxay Tallaabo Xukuumaddu ku joojisay Tabobar liddi ku ah Qaranimada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay joojisay Tabobar ujeeddadiisa iyo nuxurka uu xambaarsan yahay ka soo horjeedo qaddiymadda Madax-bannaanida Somaliland isla markaana si isku mid ah loogu qabtay guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga ee Somaliland Cabdikariim Maxamed Xinnif oo u warramay telefishanka Bulsho, waxa uu faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu xambaarsanaa iyo qaabka ay uga hawl-galeen joojinta tabobarka oo hay’addo Qaramada Midoobay u qaabilsan Socdaalka ee IOM saaka ka furtay magaalada Hargeysa.

Cabdikariim Xinnif waxa uu sheegay inay joojiyeen tabobarka kaddib markii ay ka war-heleen in ujeeddada laga leeyahay iyo siyaasadda tabobarku meel-ka-dhac ku yahay Qaranimada Somaliland isla markaana aanay sababo lagu qanci karo ka helin xafiiska hay’adda IOM ku leeyahay magaalada Hargeysa oo ay la xidhiidheen.

 

Hadalka Guddoomiye Xinnif, kaga bogo Muuqaalka Hoose.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada ay xukuumaddu ku joojisay arrintan, ayaa bedka soo dhigtay isla markaana fashilisay fadhiidnimada iyo god-daloolooyinka ceebta ku ah qaranimada oo dul-hoganaya hay’adaha dowladeed ee u xil-saaran masuuliyadda hawlaha hay’adaha caalamiga ahi ka fuliyaan gudaha dalka, kuwaas oo ay ahayd inay kormeeraan dhaq-dhaqaaqyada hay’ad kasta oo ka shaqaysa dalka isla markaana ka helaan ajandaha barnaamijyada wax-qabad ee ay sameeyaan ka hor inta aanay hirgelin.

 

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com