Hargeysa: Fadeexad ka taagan Ururro Mashaariico ay Ku Soo Qaateen Magaca Maamulka Muqdisho Kagaga Dhex Shaqeeya Gudaha Somaliland

Hargeysa (SM)- Saxafiyiin Madaxbanaan Ayaa Soo Bandhigay baadhitaanto Ay ku xaqiijinayaan Qaar kamida ururada ama NGO-yada ka hawlgala gudaha Somaliland oo Mashaariico dhaqaale ay deeq bixiyayaasha caalamku usoo mariyaan maamulka Somalia iyo ajandaha siyaabaha ay uga fuliyaan dalka.

Iyadoo ay Ahayd Maalintii Shalay uun markii ay Xukuumada Somaliland Gaar ahaa Wasaarada u Qaabilsan Qorshaynta Qaranka Ay  Soosaartay Go’aanka rasmiga ah ee Tiraba Lix urur oo shaqooyin kala duwan ka Qaban jiray  Gudaha Somaliland lagaga Joojiyey shaqooyinkii ay qaban jireen dalkana laga madnuucay, hadana  wali waxa jira ururo NGO’s Gaar loo leeyahay oo gudaha Somaliland ka wada mashaariico kala duwan oo dhaawac ku ah qaranimada iyo dawladnimada Somaliland kuwaas oo qandaraasyada yaryar ee dheefdoonka ah kasoo qaata maamulka ka dhisan magaalada muqdisho oo magac ahaan ay usoo mariyaan dawladaha shisheeye,

URURO (1)Waxaana Ururadan yaryari Si qarsoodiya hotelada kala duwan ee caasimada hargeisa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu qabtaan waxyaabo ay ugu yeedhaan Tababaro iyo Aqoon korodhsi Bulshada Lagu Wacyigalinayo ,

Dabagalka Arrintan ayaa Lagu Xaqiiyey Barnaamiyo Kala duwan oo dalalka deeqaha bixiyaa dawlada Somalia usoo mariyaan ururo aan dawli ahayn qandaraasyo aaney jirin habayaraatee wax dheef ah oo bulshadu ka dhaxasho, islamarkaana ku siman maalmo kooban oo siminaaro ay ugu qabtaan dad ay si gaara ula xidhiidhaan oo u buuxiya kuraasta ay kula galayaan sawirada si loogu xaqiijiyo haayadaha ama dawladaha shisheeye ee deeqahi kasoo baxeen hirgalinta arrintan iyo sida loo qabtay taa badalkeedana sidaa loogu ogolaado dhaqaalaha ay ururadani u aas-aasan yihiin.

Haddii aan u gundo dego Dulucda Warbixintan, Waxaa subaxnimadii hore shalay hotelka Ambasador lagu qabtay kulan ay kasoo qayb-galeen bulshadaha qaybaheeda kala duwan oo isugu jira Ashqaas ka socday  ururada bulshada rayidka ah qaar kamida xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland, shaqsiyaad lagu soo martiqaaday oo ka socday haayada kala duwan ee ajaanibka ah iyo xubno kamida masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dawladaha hoose dalka.

Ujeedada Kulankan oo lagu sheegay Soo bandhigida Daraasad  lasoo waday Muddo saddex sano ah oo lagu ogaanayo Sida ay bulshada ugu shaqeeyaan dawladaha hoose ee dalku iyo la xisaabtanka dhinaca dhaqaalaha iyo shaqadaba ayaa Waxaa soo qaban qaabisay islamarkaana wadatay Urur Lagu Magacaabo SORADI, ururkan soradi oo sida ay xubnihii ka socday ee madasha ka hadlay ku sharexeen Sheegeen inuu yahay ururkani mid ka shaqeeya  Daraasaadka Cilmi baadhista iyo Horumarka ,

Intaasi  kadib markii madashaasi furantay Waxaa Kasoo qaybgalayaashii loogu qaybiyey Buugaag kala duwan oo Ay Dusha Sare Kagaga Xardhan tahay qoraalo lagu farsameeyey calanka Somalia ee Maamulka Muqdisho, iyadoo xagga hoosena lagu qoray magaca ururka soo agaasimay hawshan iyo haayadaha kala duwan ee ay ka Heleen dhaqaalah ay kusoo qaateen.

URURO (2)Kulankan oo bulshadii kasoo qaybgashay badankoodu aad ula yaabeen  waxayaabaha lagu soo bandhigay iyo waxa ay madasha u yimaadeen ee lagu soo martiqaaday ku noqotay Kaaf iyo kala Dheeri  ayaa ujeedka ama fariintii kasoo baxday kulankan laysugu yeedhay bulshada badani ahayd soo jeedinta dhaliilo iyo ka doodista sidii loo bedelilahaa golaha deegaanka caasimada hargeisa , iyadoo khudbado u badan aflagaado iyo cay ka dhan Golaha deegaanka Caasimada hargeisa si gaarana carabka ay ugu adkaynayeen maayirka iyo ku Xigeenkiisa Dood dheer kadib ay gudo galeen Sidii loo bedeli lahaa iyo Sidii loola xisaabtami lahaa.

Waxaana halkaasi Khudbado dheer oo ku taxaluqa dhinaca sharciga kasoo jeediyey qaar kamida xildhibaanadii golaha wakiilada ee madasha  kasoo qaybgalay madashan oo iyagu si dhexdhexaadnimo iyo sharciyad ah uga istaagayey sida ugu haboon ay u iman karto isla xisaabtan iyo masuulka la bedeli karo.

Halka qaar kamida xubnihii ka socoday haayadaha ajaanibka ah ay hoose uga baxeen madashan,

Saxafiyiintan oo Baadhitaan Badan sameysay islamarkaana ka dabatagtay waxyaabaha looga danta lahaa barnaamijkan ayaa soo ogaaday.

In Dhaqaalaha ugu badan ee ururkani helo ay uga timaado maamulka muqdisho oo ay gacan saar dhow la leeyihiin mulkiilayaasha ururkani, isagoo si dadban ugaga dhex shaqeeya magaca  magaca maamulka xamar ee Somalia gudaha Qaranka Somaliland.

Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in mulkiilaha ururkan leh uu yahay Masuul sare oo ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo madasha kulankan goor danbe lagu dhex arkay khudbadna kasoo jeediyey, Waxaana xogta dhabta ah ee aanu ka helanay ilo gaar ahi noo xaqiijiyeen in ujeedada laga lahaa kulankan ee lagu sheegay daraasada iyo cida dhabta ah ka danbeysa ee uu salka ku hayaaba ay tahay Xisbiga Mucaaridka ah  Waddani oo Mudooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qas iyo buuq uu kala dhex dhigayo xukuumada ka dhalatay xisbiga kulmiye iyo Bulshada ku nool caasimada hargeisa, sidaasi oo ay tahayna ay diirada ku saarayaan masuuliyiintii ay kala kulmeen cadaadiska xoogan ee wakhtigii ololaha doorashada oo ay qayb weyn ka ahaayeen Maayirka Caasimada Harigeisa Iyo Ku Xigeenkiisuba, taa badelkeedana shacabka ku nool xaafadaha magaalada hargeisa lagu abuuro nacayb iyo sidii ay ugu kici lahaayeen golaha deegaanka.iyadoo madasha kulankan dadka ay kusoo casuumeena ay qayb ka ahaayeen laba laba qof oo ay kasoo xusheen xaafadaha degmooyinka magaalada hargeisa.

Waxaana madashan aan loo ogolaan warbaahinta maxaliga inay ka qayb gasho iyadoo sida lagu xaqiijiyey warbixintan muuqaalo ka baxay qaar kamida tvyada ay u duubeen laba shaqsi oo si gaara ula shaqeynayey ururkan,

Si kastaba ha Ahaatee Shacabka Somaliland Ayaa Qaranimada iyo dhismaha Dawladnimo ee Ka hanaqaaday Geeska Africa usoo maray duruufo nololeed oo aad u adag iyadoo ay jireen Maraaxil naf hur  ah oo Loo Soomaray Calanka Somaliland iyo jiritaankiisa,  Mawquf Midaysana Bulshada Somaliland iyo halgamayaashii Qaranka Dhiigooda u Shubay Ka Dhiidhiyeen Inaaney Dawlada Somaliland Kamid ahayn Maamulka Fadhiidka ah ee Muqdisho degmooyinka yar ka taliya.

Dedaalkaasi iyo Hirgalinta hawlaha dawladnimo sidii shacabka Somaliland u noqon lahaayeen dad bulsho ahaan ku nool nabad iyo nolol xor ah islamarkaana aaney jirin wax dawladnimo iyo mashaariico kala duwan oo mideeya iyaga iyo maamulka ka dhisan muqdisho, kana dhaxaynin wax cilaaqaad ahi, ayaa Haddana Waxaa jira Ururo ay Shaqsiyaad gaar ahi leeyihiin oo Mashaariico iyo qandaraasyo kala duwan oo Kuwan lamida  kagaga soo qaata maamulka muqdisho iyadoo ay usoo marinayaan hay’adaha caalamiga ah ee caawimooyinka kala duwan siiya dawladaha soo koraya.

Dawlada Somaliland Ayaa tiraba dhawr jeer ooh ore waxay talaabooyin wax ku ool ah ka qaaday Haayado iyo ururo kala duwan oo magaca Somalia kagaga dhex shaqeyn jiray Dawlada Somaliland, iyadoo Siyaasad Cad Xukuumadu ka Dajisay inaaney jiri Karin habayaraatee Wax mucaawino ama Arrimo la Xidhiidha Oo Qaranka Somaliland Loosoo Marin Karo cid aan aheyn hay’daha Qarankani leeyahay ee Xidhiidhka La leh Deeq bixiyayaasha Caalamiga ah.

Waxaana la ogyahay in Bilihii u danbeeyey Dawlada Somaliland iyo Maamulka Farmaajo uu ka dhexeeyey Muran Siyaasadeed oo dhinaca Deeqihii Somaliland La Siin jiray oo ay Falal Cadowtimo ah Waraaqo lagu  carqaladeynayo Deeqaha Somaliland ay Soo Gaadhsiiyaan Wadamad Beesha Caalamku u gudbiyeen qaar kamida dalalkaasi wallow aaney dheg jalaq u siinin, iyadoo ay jiraan Dagaaladaasi Siyaasadeed uu ka socoda Geeska islamarkaana ay sida gaarka ah maamulko farmaajo iyo inta ka hoos shaqeysaa ku hawlan yihiin wax kasta oo lidi ku ah horumarka Somaliland ayaa hadda wax jira Shaqsiyaad Sheeganaya Inay yihiin Muwaadiniin Dalka U Dhashay oo si Dadban usoo Waaridaya Afkaarta Maamulka Muqdisho Waxoogaa naasnuujin ahna kagaga hela mashaariico yaryar.

 

La Soco Warbixino la Xidhiidha Dabagalka Arrimahan.