HARGEYSA: Faahfaahinta Ujeeddada uu daarran yahay Kulan Ballaadhan oo lagu Naaqishayo Xeerka Xuquuqda Carruurta

Hargeysa (SLpost)- Kulan-hawleed ballaadhan oo dib-u-eegis lagu samaynayo Xeerka Xuquuqda Carruurta, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Kuan-hawleedka oo kulmiyey masuuliyiin ka socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee arrintani khuseyso iyo weliba xubno ka socday hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawl-gala dalka qaarkood, ayaa ah kulan daba-socda kulan hore ee ay isugu yimaaddeen Wasiirrada wasaaradaha Qaarkood, kaas oo lagaga hadlay sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa Xeerka Xuquuqda Carruurta.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadashay isla markaana faahfaahin ka bixisay ujeeddada laga leeyahay iyo qorshaha natiijada laga filayo inay ka soo baxdo, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Qoyska Somaliland, Marwo Filsan Xuseen.

Haddaba Faahfaahinta Warkan, nuxurka uu daarran yahay iyo hadallada masuuliyiinta kale ee kulankaas ka hadlay, kaga bogo Muuqaalkan Hoose.