Hargeysa: Faahfaahinta Dhacdo RRU-du ku mireen Dad Shacab: Xog-warranka Dadkii la dhaawacay, dhakhaatiirta Dabiibaysa iyo Doodda Xukuuumadda

Hargeysa (SLpost)- Dad ku dhaawacmay rasaas Ciidamada boolisku ku weerareen shalay gelinkii dambe dad difaacanayay gurigooda oo xoog lagaga saarayey iyo kalkaaliso Caafimad, ayaa ka faahfaahin ka bixiyey dhacdadii shlaay iyo xaaladda caafimaad ee dadka dhaawaca ah.

Dhaawaca khasaaruhu ka soo gaadhay dhacdadaas shalay, ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka weyn ee Hargeysa, halka qof kale oo ku geeriyayna meydkiisu yaallo cusbitaalka, iyadoo dhacdadaas sababtay dhimashada Wiil da’yar iyo dhaawaca shan qof.

asarArrintan, ayaa ku timi kaddib marki qoys guri dhisanaya dawladda hoose amartay in la joojiyay markii dambena boolis goobta la geeyay iyo qoskii Guriga iska lahaa isku dhaceen.

Mustafe Axmed Maxamed oo ku dhaawacmay Rasaasta Boolisku ku furay dadka aan hubaysneyn ee shacabka ah ayaa sidan u sharaxay siday wax u dhaceen, waxaanu yidhi, “Anagoo dhisayna gurigayaga oo aanu 24 sannadood deganayn ayay Boolisku noo yimaadeen 04:00 galabnimo, dabeed joojiya ayay yidhaahdeen shaqaaluhuna wuu rawaxay oo waa la joojiyay, kadib Aabbo ayaa loo yimid Faylkaagii keen baa la yidhi Saldhiga ayaaba la geeyay oo waa la xidhay. Intaas kadib waxaa nalagu yidhi waxa soo socda ciidan Guriga baabi-inaya kadib guriga ayaanu ag fadhiisanay ilaa 15 Mirir kadib ayay laba xaajiyadood oo Boolis ahi noo yimaadeen markaanu ku soo dhaqaaqnayna rasaas ay hoos u ridayaan ayay nagu fureen.”

“Waxaa dhaawacmay Afar qof iyo walaalkay oo dhintay, oo toos loo toogtay, anigaba Askariga oo hal mitir wax ka yar ii jira ayaa wac igaga siiyay xabbadda waan ka gabbaday oo waan is tuuray kadib waan cararay oo waxaaban arkay iyadoo xabbadu igu taala. Waxay igaga dhacday Lugta halka Jilibka hoostiisa oo aan ka jabanahay,” Sidaas ayuu yidhi Mustafe oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Cabdiraxmaan Axmed Maxamed, oo ah 15 jir ku jira qolka gargaarka degdegga ah ayaa isna sidan uga hadlay dhaawaca soo gaadhay, “Xabbaddu lugta ayay igaga dhacday. anigoo Baaskiilad wata oo wadada iskaga wata ayaan arkay askar meesha rasaas ku furaysa, dabeedna waan cararay, anigoo ordaya ayay xabbaddu igu dhacday, iyadoo xabbadu igu taala ayaanan is ogayn oo aan cararay dabeedna markii dambe ayaan dhiiga arkay oo aan fadhiistay”.

Maxamed Cabdillaahi Quulle oo isna dhaawac ah ayaa sidan sheegay “waxaanu jaar ahayn reerkan la soo weeraray, anigoo iska rogo wata ayaan arkay Maydkii inanka yar dabeedna anna waan wisiisiyay, wuxuun baana nalagu furay rasaas, xabad ayaa I dhex fadhida, lugta iyo cagtaba way igaga dhacday.,,ninkani waligiiba wuu deganaa meesha oo wuxuu ku dhalay Inanta dhashay 12 Ciyaala, markaa maaha in xaq darro lagu soo weeraro, waxaana meesha ku haysata dawladda”.

dhaawacFaadumo Qaasin oo ah Kalkaaliso Caafimaad oo ka hawl-gasha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa Weriye Axmed Siciid Cige oo BBC-da ka tirsan u sheegtay, “Waxaa naloo keenay 5 dhaawac ah iyo ilmo yar oo Mayd ah. Hal qof ayaa qori dabadii lala dhacay inta kalena xabad baa ku dhacday. Mustafe Axmed Jabbaan laf baa jabtay waxaa loo sameeyay qallin xalay walina dhiig ayaa socda, inan yar oo kale wuu jaban yahay, Inan darawal ahna xabad baa wali dhax taala oo qallin looma samayn. Inanka yare e dhintay Foodda ayay xabbadu kaga dhacday waxayna ka baxday xagga dambe, Maskaxduna xagga dambe ayay ka soo daadatay, “ Sidaaas ayay tidhi Faadumo.

Wasiir ku-xigeenka Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Daahir Camuud, ayaa isaguna dhacdadan ka hadlay, axaanu yidhi, “Marka askarta oo amniga sugaysa dhagax lala dhaco way dhacaysaa inay Ciidamadu is difaacaan. Shilkani dhul buu ka dhacay la dhisanayay oo dawladda hoose joojisay, joojiya baa la yidhi oo hadal baa loola tagay, markii dambena dhagax ayay ku bilaabeen ciidamadii. Ninkii Guriga lahaa waa la xidhay laakiin, meeshii baa la joojin waayay, waa in amarka la qaataa, askartu magaaladaa halka milyan inta ku dhawi ku nooshahay ammaankeeda ayay sugayaan, markaa nabad galyada markaan sugayo dadku waa inay wax maqlaan.”

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Dhaawacyo kala duwan la gaadhay ilaa Siddeed Askari oo ka tirsan Ciidamada Hawl-galka loo diray, kuwaas oo uu sheegay in dad gadoodsani kala hortageen dhagaxaan ay ku shiideen taasina sababtay in askartu ay rasaas nool u adeegsadaaan dadka shacabka ah.

SOMALILANDPOST.NET