HARGEYSA: Dowladda Hoose oo bilowday Dhismaha iyo Casriyeynta Jidka ugu ballaadhan Caasimadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa bilaabay dhismaha Jidka 150-ka ee Woqooyiga Caasimadda, kaas oo ballaadhin iyo dib-u-habayn baaxad leh lagu samaynayo.

 

Jidka 150-ka oo ah waddada ugu ballaadhan magaalada, isla markaana qayb ka mid ah hore looga dhigay Laami balse burbur baaxad leh ku yimi, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey lagu waday binneyn iyo ka rarista meherado laga samaystay iyo xaafaha qaarkood oo ku soo durkay, waxaana dhismihiisa cusub loo qorsheeyey in laga dhigo Jid laami ah oo ka kooban Afar Haad, kaas oo noqonaya jidkii ugu horreeyey dalka ee oo dhan ee yeelanaya Afar Haad oo gaadiidku isku weydaarto.

 

Bilowga Hawsha Dhismaha jidka waxa goob-joog ka ahaa Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydii, ku-xigeenka duqa Caasimadda Cabdicasiis Caga-weyne iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Hoose.

 

MUUQAALKA HOOSE KA DAAWO BILOWGA HAWSHA IYO HADALLADA MASUULIYIINTA DOWLADDA HOOSE