HARGEYSA: Diyaar-garowga Xuska 18-ka May iyo Adkeynta Nabadgelyada Caasimadda oo shir laga yeeshay

Hargeysa (SLpost)- Xarunta dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa, waxa maanta ku qabsoomtay Shir lagu gorfeeyey tallaabooyin lagu adkaynayo Nabad-gelyada Caasimadda ee Xuska Munaasibadda 18-ka May oo xilligan  diyaar-garowgeeda si weyn looga dareemayo dalka.

Shirka waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Maayarka Caasimadda, Taliye ku-xigeenka Booliska, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee Bariga iyo Galbeedka gobolka Maroodijeex, Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose, Guddoomiyeyaasha Degmada iyo Guddiyada Nabadgelyada ee Caasimadda.

 

 

Shirkan ayaa intii uu socday lagu gorfeeyey Adkeynta nabadgelyada iyo sidii ay u wada-shaqayn lahaayeen Laamaha Ammaanka iyo Guddiyada nabadgelyada ee Xaafadaha Hargeysa, isl markaana loo sii xoojin lahaa u diyaar-garowga munaasibadda xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

 

Haddaba Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalkan Hoose