Hargeysa: Diiwaangelinta Madax-taabasho ah oo lagu Samaynayo Mihnadleyaasha Ku Shaqaysta Xirfadda Caafimaadka

Hargeysa (SLpost)- Guddida heer qaran ee mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay inay si rasmi ah degaannada Gobolka Maroodi-jeex uga bilaabayaan diwaangelinta xirfadlayaasha caafimaadka berri oo taariikhdu tahay 17 June 2014.

axmed odayGuddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay shir xarunta cusbitaalka Qaaxadda (TB-da) ee Hargeysa lagu qabtay maanta, waxa uu sheegay in ujeeddada diwaangelinta mihnadlayaasha caafimaadka ka dambaysaa tahay mid lagu ogaanayo cidda saxda ah ee adeeg caafimaad fulin karta.

“Waxa jirtay in guddidu soo martay gobollada dalka oo dhan, waxaanay ka soo sameeyeen diwaangalintii hordhaca ahayd, marka dambe se waxa loo gudbi doonaa tii saxda ahayd. Waxay diiwaangelintu ka bilaabi doontaa Hargeysa 17 June 2014, waxayna ku dhamaan kartaa ilaa 15 maalmood ama in ka badan, waayo Cusbitaalka Hargeysa oo qudha ayey diiwaangelintu ka socon doontaa muddo saddex maalmood ah,” ayuu yidhi Dr. Axmed Xaashi Oday, isagoo mihnadlayaasha caafimaadka ugu baaqay inay is-diiwaangeliyaan.

Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo halkaas ka hadlay, ayaa isna sheegay inay soo dhaweynayaan diiwaangalinta loo samaynayo xirfadlayaasha caafimaadk, waxaannu dadka mihnada caafimaadka ku shaqaysta, gaar ahaan kuwa ka hawlgala cusbitaalka guud ee Hargeysa inay diyaar u noqdaan diwaangelinta lagu samaynayo.

Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo dhakhaatiir kala duwan oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey diiwaangelinta mihnadlayaasha caafimaadka.

 

SOMALILANDPOST.NET