Hargeysa: Dhalinyaro Ka soo jeedda Somaliland oo Dowladda Soomaaliya Af-duub ugu haysato Muqdisho iyo Madax-dhaqameed si adag uga hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka, wax-garadka, siyaasiyiinta Somaliland, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xorriyadooda u soo celiso isla markaana ay fasaxdo dhalinyaro dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo dowladda Farmaajo afduub ugu haysato magaalada Muqdisho.

Madax-dhaqameedka, wax-garadka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo Dhalinyarada ka soo jeedda Gobolka Sanaag oo habeennimadii xalay kulan ku yeeshay caasimadda Hargeysa, ayaa dowladda Soomaaliya ku cambaareeyey, sharci-darrona ku tilmaamay xadhigga dhalinyaro ku ganacsata nidaamka isku-sarrifka lacagaha adduunka ee Forex oo dowladda Somaliya xabsiga u taxaabtay.

Dhalinyarada la xidhay ayaa iska leh shirkad lagu magacaabo Future Trades oo ka hawl-gashay deegaannada Soomaalida oo magaalada Muqdisho ku jirto, waxaanay dadka ka caawisaa inay ku shaqaystaan isku-sarrifka lacagaha qalaad ee xagga Internetka ee Forex.

Dowladda Soomaaliya, ayaa hore u shaacisay inay dalkooda ka mabnuuceen nidaamka isku sarrifka lacagaha Qalaad ee Forex oo ay ku tilmaantay nidaamka aan sharci ahayn oo xoolaha dadka lagu dhacayo.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose.

 

Somalilandpost.net