Hargeysa: Dhalinyarada Bariga Caasimadda oo Ka Soo Horjeestay Qaylo-dhaanta Guddoomiyaha Waddani u diray Taageerayaasha Xisbiga

 

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Dhalinyarada Bariga magaalada Hargeysa, ayaa ganafka ku dhuftay bannaan-bax Xisbiga Waddani ugu baaqay taageerayaashiisa gobolka Maroodijeex inay maalinta Berri ah gelinka hore isugu yimaaddaan Xarunta Dhexe ee Xisbigu ku leeyahay xaafadda New Hargeysa ee Caasimadda dalka.

Dhalinyarada oo caawa shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay ku doodeen in maadaama oo ay dhalinyaro yihiin aanay u qalmin in looga faa’idaysto danaha gaarka ah ee ay isku hayaan Siyaasiyiinta Dalku.

Waxa ay dhalinyaradani sheegeen iyagoo ku hadlaya inta badan magaca dhalinyarada ku dhaqan xaafadaha Bariga magaalada Hargeysa ay ka biyo-diideen baaqa guddoomiyaha Xisbiga Waddani ugu yaboobay taageerayaasha Xisbiga oo badankoodu deggen yihiin xaafadda ay ka soo jeedaa inay maalinta Berri ah isugu baxaan isuguna yimaadaan Xarunta xisbigu ku leeyahay Xaafadda New Hargeysa ee Bariga Caasimadda.

Hadalka dhalinyarada iyo Mowqifka ay ka taagan yihiin Qaylo-dhaanta guddoomiyaha xisbiga Waddani, ka daawo Muuqaalka Hoose