Hargeysa: Dawladda Hoose oo soo bandhtay Ishaarooyin Tamarta Qorraxda ku shaqaynaya oo Jidadka Caasimadda lagu rakibayo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna maayarka Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta soo bandhigay Ishaarooyinka Gaadiidka kala-haga oo lagu rakibi Is-goysyada ugu muhiimsan ee Jidadka Caasimadda, kuwaas oo ku shaqaynaya Tamarta Qorraxda.

Maayar Soltelko oo ay weheliyaan maayar ku-xigeenka Cabdicasiis Caga-weyne iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka, ayaa mar uu warbaahinta kula hadlayey Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo qalabku maanta soo gaadhay, waxa uu ka warramay muhiimadda Ishaarooyinku u leeyihiin bilicda caasimadda, kala-hagidda gaadiidka iyo fududeynta saxmadda Jidadka magaalada.
Maayar Soltelko waxa uu sheegay in qofkii ku xad-gudba ama jiidha Ishaarooyinka uu mutaysan doono ganaax dhaan Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, waxaanu dadweynaha gaadiidka wada ku booriyey inay u hogaansamaa shuruucdda ishaarooyinka loo maro.

ishaarooyinka 1“Waxa noo farxad in aanu halkan ku soo bandhigno ishaarooyinkii caasmadda qaybtiisii u horeysay oo lagu rakibi doonno Lix Isgoys, mid waliba dariiqii aanu ugu talo-galnay ayaa lagu soo rekoodh gareeyey sida aad aragtaan caalamadahooga. Marka la rakibo waa in loo hogaansamo oo oo qof waliba xaq dhawro, ciddii jiidha waxa lagu xukumi doona ganaax culus. Ciidamada waddo-marista waxaan ogaysiinayaa in qofkii jiidha laga qaado Hal Milyan oo shilin, askariga qabta shan boqol oo kun ayuu leeyahay, shanta kalana dawladda hoose ayaa leh, waxaanan leeyahay dadweynaha ilaaliya ishaarooyinka,” sidaas ayuu yidhi Maayar Soltelko.

ishaarooyinka 3Maayarku waxa kale oo uu sheegay in Khamiis maanta la qaybin doono Caagagga loogu talo-galay in lagu rido Qashinka fudud oo wadooyinka hareeraheedda iyo meheradaha waaweyn hortooda la dhigi doono, taas oo qayb ka ah dedaallo Dawladda Hoose ugu jirto kor-u-qaadis bilicda caasimadda. Maayarku waxa uu dadweynaha ugu baaqya inay qashinka fudud ku ridaan Caagadahaas.

ishaarooyinka 2“Berri waxa la qaybinaya caagadihii meheradaha hortooda la dhigi doono ee qashinka fudud lagu ridi doono ciddii dambe ee qashin ama caagad dhulka iskaga tuurta waa la ganaaxi doonaa, waana inay dadweynuhu ilaaliyaan soona gudbiyaan dadka qashinka meelahaasi iskaga tuura, si caasimadda u noqoto mid la mid ah kuwo caalamka, isla markaana dadweynuhu la shaqeeyaan dawladdooda si horumar muuqda loo wada gaadho,” ayuu yidhi Maayarka magaalada Hargeysa.