Hargeysa: Dabley Hubaysan oo Xalay Weerartay Xarunta Wargeyska Madaxabannaan ee Hubaal iyo Mid ka mid ah oo Gacanta lagu dhigay

Hargeysa (SLpost)- Dabley Baaskoladu ku hubaysan, ayaa xalay si badheedh ah Weerar ugu qaaday Xarunta Wargeyska HUBAAL oo ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Ragga Weerarka geystay oo la sheegay in Qorshahoodu ahaa inay Waaxyeello gaadhsiiyaan Guddoomiyaha Wargeyskaas Maxamed Jaamac Calooley, ayaa mid ka mid ah gacanta lagu dhigay, ka dib markii weerarkoodaas oo fashilmay ay dhaawac ku gaadhsiiyeen Guddoomiye Maxamed Calooley oo wakhtigaas taagnaa barxadda hore ee Xarunta Wargeyska oo ku yaala Galbeedka Hotelka Togdheer ee Xaafadda Goljanno.

Goob-joogayaal ku sugan Agagaarka Xarunta Wargeyska, ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa rasaasta ay rideen nimankan, taas oo sababtay inay soo dareeriso dadka la jaarka ah xarunta Wargeysaka oo ku taala Xaafado Dhexdood.

Dadka goobta soo gaadhay ayaa sheegay in nimanka weerarka soo qaaday ku hubaysnaayeen Baastoolado iyo Bakoorado, kuwaas oo dhaawac dagaal gacanta ah u qaaday Gudoomiyaha Hubaal Maxamed Jaamac iyo hawlwadeenadii ku sugnaa goobta.

Waxaa dhaawacyo kala duwan soo gaadheen Maxamed Jaamac Calooley iyo mid ka mid ah hawlwadeenada goobta joogay, iyadoo la qabtay labadii Nin ee weerarka soo qaaday mid ahaan, balse kii kale baxsaday.

Falka noocan ah ayaa u muuqata mid la doonayo in lagu cabsi geliyo madax-bannaanida saxaafadda oo kaalin muhiim ah ka soo qaadatay dhismaha dalka iyo koboca haykalka dawladeed ee maanta Somaliland dugsanayso.

Sidoo kale, falalka noocan ah, ayaa shabbaha dilalka qorsheysan ee saxafiyiinta loogu geysto dalkaasi Soomaaliya, in kasta oo aanay Somaliland ka dhicin falal la mid ah kuwa Soomaaliya, haseyeeshee waxa ay cawaaqib-xumadeeda yeelanaysaa haddii aan la qaadin tallaabo xakame u noqon karta dhaqamadan ugubka ah ee saxaafadda Somaliland lagu daan-daansanayo.

SOMALILANDPOST.NET