Hargeysa: Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay Rasaas tiro badan iyo dad loo qab-qabtay

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabtay baabuur laga buuxiyey noocyada kala geddisan ee rasaasta loo adeegso hubka fud-fudud, meel u dhow xaafadda Jameecada ee Koonfurta magaalada Hargeysa.

Ma jiro war ku saabsan dhacdadan oo ciidamada ammaanku shaaciyeen, haseyeeshee sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen goob-joogeyaal ku sugnaa goobta lagu qabtay gaadhigan, baabuurka rasaasta lagu raray oo noociisu ahaa Mark II, ayaa ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen ka dib markii dadweynaha xaafaddaasi ka shakiyeen alaab lagu rarayey baabuurkan, ka dibna ay ku war-geliyeen ciidamada booliska.

booliskaDadweyne ka soo dareeray salaaddii Roob-doonta ee shalay, ayaa ku war-helay rasaastan oo lagu kala wareejinayo baabuurka la qabtay iyo xaajiyad Surf ah oo rasaastu marka hore saarnayd, isla markaana ku war-geliyeen Ciidanka ammaanka oo isla markiiba goobta soo gaadhay, waxaanay halkaas ku qabteen baabuurka ay rasaastu ku rarnayd iyo laba nin oo loo malaynayo inay ahaayeen kuwii watay rasaasta oo noqonaysa inta la ogyahay tii ugu tirada badnayd hub sharci-darro ah ee magaalada Hargeysa gudaheeda lagu qabto.

“Markii aanu salaadda sidaas uun uga soo baxnay oo dadkuna fara-badan yihiin oo aanu suuqa ku soo jeedno, annagoo marayna meel Jameecada korkeeda, gaadhi Mark two ah iyo laba nin oo ciidamo boolis ahi la joogeen. Labadii nin iyo gaadhigiiba ciidanku way kaxaysteen,” sidaa waxa Himilo u sheegay goob-jooge ku sugnaa goobta lagu qabtay baabuurka rasaasta ka buuxday, kaas oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso.

Warku waxa uu intaas ku daray inaanay ciidanka booliska gacanta ku dhigin baabuurka Surfta ah ee rasaasta laga rogay, kaas oo la sheegay inuu isla markiiba goobta ka baxsaday. Lama garanayo Meesha laga keenay iyo halka lagu waday rasaastan, in kasta oo wararka qaar sheegeen labada nin ee hubka lagu qabtay ay deegaan ahaan ka soo jeedaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Hay’adaha ammaanka Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno arrintan, ayaan noo suurto-galin inaanu xog dheeraad ah oo arrintan la xidhiidho ka helo, iyada oo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska oo aanu arrintan wax ka weydiinnay ka gaabsadeen inay haba yaraatee wax tafaasiil ah ka bixiyaan hawl-galkan.

Waxa xalay magaalada Hargeysa laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ciidamadu ammaanka ku sugayeen, iyada oo la arkayey boolis tira-badan oo taagan jidadka caasimadda kuwaas oo gaadiidka waddooyinka maraya baadhitaanno ku samaynayay.

 

Xigasho: Himilomedia.com