Hargeysa: Ciidamada Ammaanka oo fashiliyey isku-day Hawl-gal Argagixiso

Hargeysa, (SLpost)- Taliska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war uu maanta soo saaray ku sheegay inay fashiliyeen Hawlgal Argagixiso oo lagu damacsanaa in lagu qarxiyo mid ka mid ah goobaha hal-bowlaha u ah isu socodka magaalada Hargeysa.

Hawl-galkaas lagu damacsanaa waxyeellaynta Goobaha adeegga Dadweynaha ka qayb-qaata isla markaana ay fashiliyeen ciidamada qalabka-sida ee dalka, ayaa la sheegay in la fashiliyey xalay iyadoo bartilmaameedkiisu ahaa Biriijka Labaad ee Hargeysa oo lagu dhisay Nususaacaha carruurta dugsiyda dhigata.

Warku wuxuu intaas ku daray in ciidanka qaranka JSL ay gacanta ku dhigeen qalabkii loo adeegsan rabay falkaas argagixisada ah, waxaana sidaas sheegay taliyaha Hoggaanka Sahanka ee Ciidamada Maxamed Cabdi kaas oo sheegay in Qalabka ay gacanta ku dhigeen ay siteen laba nin oo ku lebbisnaa Jalaabiib balse nasiib-darro ay nimankaasi ka fekedeen.

Maaha markii ugu horreysay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay fashiliyaan hawl-gallo noocan oo kale ah oo lagu waxyeellaynayo dadka shacabka ah iyo imkaaniyaadka aasaasiga u ah adeegyada bulshada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net