HARGEYSA: Booliska oo Sariflayaasha ku Amray in ay Lacagahooda Basriyaan

 

Hargeysa(SLpost) Askar iyo saraakiil ka mid ah ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Hargeysa ayaa duhurnimadii shallay booqday suuqa sarrifka lacagaha qalaad, waxaanay ku amreen inay lacagahooda ay

 

 

wadhaan islamarkaana meelaha banaan ee suuqa ah daadsan ay ka taxadiraan oo ay dhigtaan meelo baydhsan oo ay ku ilaashan karaan.
Ciidamda amaanka ee booqday suuqa Sarrifka lacagaha qalaad ayaa ka koobnaa askar iyo saraakiisha saldhigyada degmooyinka qaarkood, kuwaas oo u muuqday inay heegan ahaayeen, waxaanay sarriflayaasha ku war-galiyeen inay taxadir dheeraad ah iyo foojignaan sameeyaan.
Lama garanayo sababta Booliiska Hargeysa ugu war-galiyeen sarriflayaasha inay ilaashadaan lacagahooda, iyadoo la ogyahay lacaga kala duwan ee wadhan badhtamaha Suuqa Hargeysi inay tahay astaanta cid kasta oo booqataa ku qanacdo Amaanka Somaliland in uu ka sugan yahay kuwa dunida horumaray.
Illaa hada ma jirto xaalad la odhan karo waxay abuuri kartaa in laga sameeyo qaylo dhaan intaas leeg, hase yeeshee wxaa jira tibaaxo iyo warar aan rasmi ahayn oo ay ciidamadda amaanku helayaan, kuwaas oo ay ka cabsi qabaan inay iman karto mar kasta oo khilaafka xisbiga Kulmiye sii jiitamo.
Booliiska iyo Milatariga Somaliland ayaa heegan la galiyey tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka siyaasadeed ee ka dhex jira xisbul xaakimka Kulmiye, kaasoo sababay inay iscasilaan wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Somalilandpost,  Hargeysa Office 2015