Hargeysa: Bannaan-bax lagaga horjeedo go’aankii Golaha Wakiilladu ku laaleen Diiwaangelinta oo ka dhacay Baarlamanka hortiisa

Hargeysa, (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa kala dareeriyey Koox dhalinyaro ah oo bannaanbax ka hor-sameeyay shalay xarunta Baarlamanka Somaliland, kuwaasoo ay Ciidammadu ka qaadeen Boodhadh ay siteen oo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan go’aanka Golaha Wakiilladu ku laalay diiwaangelintii doorashada, isla markaana ku ansixiyey in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka.

Dadka bannaan-baxa samaynayey oo u badnaa dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa shalay bannaan-baxa ka hor-dhigay Aqalka Baarlamanka Somaliland iyo Qasriga Madaxtooyada dhexdooda, kaasoo ay kaga soo horjeedeen go’aanka Mudanayaasha golaha Wakiilladu ay Arbacadii inna dhaaftay ku laaleen Diiwaangelinta codbixiyaashu ku galeen doorashadii madaxtooyaada 26 June 2010, isla markaana beddalkeeda doorashada soo socota ee golayaasha deegaanka lagu galo diiwaan-gelin la’aan.

Bannaan-baxayaasha oo sitay boodhadh ay kaga soo horjeedaan Diiwaangelinta ay Golaha Wakiilladu laaleen, ayaa waxa ay muddaharaadkooda la hortegeen xarunta Baaarlamaanka Somaliland oo ka soo horjeedda qasriga Madaxtooyadda oo jidka Wadnaha ah ee magaaladu dhexmaro. Boodhahdka ay siteen dadkani ayaa ay ku xardhanaayeen qoraallo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan go’aankii goloha wakiilladu gaadhay toddobaadkii hore. Waxana Hal-ku-dhagyada Boodhadhka bannaan-baxayaasha ku qornaa ka mid ahaa; ‘Diiwaangelin la’aani waa Doorasho la’aan, Doonimayno Golaha Wakiilladu wuxuu shalay diiddanaa in uu maanta jideeyo” kuwaas iyo Erayo kale ayaa ku xardhanaa Boodhadhka ay Bannaan-baxayaashu siteen.

Qaar ka mid ah Bannaan-baxayaasha iyo abaabulayaashii isu-soo baxaas oo Warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay sida ay uga xun yihiin go’aanka ay Xildhibaannada Wakiilladu ku gaadheen inay laalaan diiwaangelintii Codbixiyaasha doorashooyinka Somaliland, isla markaana ku ansixiyeen in diiwaan-gelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka. Hase-yeeshee, Ciidammada Ammanka Somaliland oo wax yar ka dib markii uu bannaan-baxu bilaabmay halkaas yimi, ayaa kala dareeriyey muddaharadayaasha xarumaha Baarlamanka iyo Madaxtooyada dhexdooda taaganaa, isla markaana waxay Ciidammadu ka qaadeen dadka boodhadhkii iyo wixii ay siteen.

Inkastoo aanay jirin cid ay xidheen Ciidammada Boolisku, haddana waxa jirey handidaad iyo caga jugleyn ay u geysteen qaybo ka mid ah dadkii tubnaa wajahadda hore ee Goloha Wakiillada oo ahayd halka uu ka socday bannaan-baxa lagu diiddan yahay go’aanka Xildhibaannada Wakiilladu Arbacadii toddobaadkii hore ay gaadheen. Bannaan-baxa ayaa ah mid u dhacay si nabadgelyo ah oo uu ku bilaabmay kuna dhammaaday qaddar saacado kooban ah oo uu halkaa ka socday.

Dhanka kale, ilo-wareedyo ka agdhow dadka soo qaban-qaabiyay muddahaardkan ayaa Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay in ay ka danbeeyaan abaabulka bannaan-baxa xubno ka mid ah Goloha Wasiirrada Somaliland, kuwaas oo sida la sheegay diiddan go’aanka uu goluhu ku laalay diiwaangelinta, kuna asixiyey in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada dawladaha hoose ee soo socda.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost