Hargeysa: Bandhigga Buug ka Hadlaya Warqad Odayaal Soomaaliyeed u Direen Suldaan Carbeed Sanadkii 1837kii

Hargeysa (SLpost)- Buug laga turmujay warqad odayaal Soomalaiyeed u direen 1837kii Sheekh Suldaan Binu Saqar oo ka talin jiray degaanka Shaariqa amma Ra’sul Khayma oo ka mid ah dhulka Khaliijka Carabta, ayaa lagu soo bandhigay hoolka dallada dhallinyarada SONYO ee magaalada Hargeysa.

Xafladda lagu daah furay buuggan waxa ka qaybgalay Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Ciyaaraha Ibraahim Maxamed Diiriye, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Buug yarahan laga turjumay warqadan taariikhiga ah oo uu qoray Cumar Cabdi Iidan, ayaa ay soo ansixiyeen sida uu qoraagu sheegay qoyska iyo eheliyada Suldaan Binu Saqar, gaar ahaan maktabad uu leeyahay Dr. Suldaan Bin Maxamed oo isagu waraaqdan luuqada Carabiga buug ahaan ugu beddelay.

Cumar Cabdi Iidaan oo buuggan u hal-tebiyey luuqada Soomaaliga, ayaa sheegay ilaalinta xaqul qoraalka (copy right) ay ka soo wajahday carqalad aad u dheer, kadib markii uu muddo dheer raadinaayey Dr. Suldaan Bin Maxamed oo buugga carabiga ah ee warqada laga sameeyey qoray, taasna ay u suuragashay inuu muddo badan kadib helo, buuggana ay soo ansixiyaan suldaanka iyo eheliyadiisu.Cumar IIdaan

Geesta Kale, qoraagu waxa uu sheegay in waraaqdan aan la reerayn, balse laga faa’iidaysto taariikhda ku qoray, isagoo ka martisharafta bandhiga ka soo qaybgashay wax uga taabtay dhacdooyinka uu xambaarsan yahay buuggan.

Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale, ayaa iftiimiyey in hal-tebinta warqadan uu talo ku lahaa, balse waxa uu iftiimiyey in warqadan mugdi badan ku jiro oo loo baahan yahay in dhallinyarada Somaliland cilmi-baadhis iyo dabagal ku samayso si ay u xaqiijiyaan taariikho badan oo is burinaya oo warqadu xambaarsan tahay.

Agaasimaha Waaxda iyo Dalxiiska Ibraahim Maxamed Diiriye, ayaa qoraaga buuggan ku tilmaamay inuu yahay mid isku hawlaha baadhiska taariikhda iyo raadadka dhaxal ahaan ummadda Soomaalida ka tageen, isagoo da’ yarta kula dardaarmay in ay ku dhiiradaan qorista iyo ka midho dhalinta taariikhda awoowayaashood ee u baahan in kayd iyo cilmi-baadhis lagu sameeyo si loo helo taariikho sugan.

Mr. Xamse Cumar Kujoog oo ku hadlaayey afka ururka Hiilqalin oo soo qabanqaabiyey xafladda bandhiga buuggan, ayaa sheegay in buug yarahan xambaarsan yahay taariikh loo baahan yahay in wax badan laga ogaado, isagoo urur ahaan ballanqaaday in buuggaag badan oo kale oo da’ yar qortay, kana waramaya taariikh la soo bandhigi doono.

Ugu dambayntii waxa halkaas su’aalo dhawr ah oo buuggan taabanaya lagu waydiyey qoraaga buugga Cumar Cabdi Iidaan, isagoo ka jawaabay su’aalaha da’ yartu waydiisay.