Hargeysa: Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum xildhibaan Aareeye

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa Allah haw naxariistee Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye oo Salaasadii todobaadkii hore geeriyooday, waxaana aaska ka qayb-galay masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeena Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).