Hargeysa: Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Agaasmihii Wasaarada Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada

Hargeysa (SL.Post)Waxa maanta  Xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasay ALLE ha u naxariistee Agaasimihii guud ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo shalay geeriyooday.

 

Aaska Marxuumka waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), hoggaanka xisbiga tallada haya ee KULMIYE, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka , Salaadiin iyo dadweyne tiro badan oo aad u danaynaya ka qayb-galka aaska Marxuumka.

 

ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi ayaa hore u soo qabtay xilalka Agaasimaha guud ee Wasaaradaha duulista iyo hawada, deegaanka iyo hadda oo uu  ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaanu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga tallada haya ee KULMIYE , isagoo kaalin weyn ka qaatay guushuu uu xisbiga KULMIYE ku hantiyay madaxtinimada Somaliland.

 

 

 

Halkan ka daawo warkan oo faah-faahsan.

 

 

Somalilandpost.net