Hargeysa: 452 Dhalinyaro Jaamiciyiin Ah Oo Tartan U Galay 37 Boos

Hargeysa (SLPOST) – Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa tafaasiil ka bixiyay ardaydii soo codsatay shaqooyin ka banaanaa wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kuwaasi oo maanta u fadhiistay imtixaankii lagu kala saarayey.

 nuux ducaale

Guddoomiyaha, ayaa sheegay inay shaqooyinkan oo dhan 45 boos oo kaliya ay soo codsadeen ilaa 5700 qof, balse ay hore u kala saareen, kama dambaystana ay imtixaankaasi u fadhiisteen arday ku dhow shan boqol, kuwaasi oo u tartamaya 45-ka boos ee ka banaan wasaaradda arrimaha gudaha.

Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay ka hor intii aanay ardaydu imtixaanka u fadhiisan, ayaa yidhi “Maanta oo ay bishu 9-tahay, waxaa ILAAHAY mahaddii ah inay noo soo gabagabowday liiskii shaqaalaha ahaa ee soo dalbaday shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha  u baahnayd oo ahaa 45 boos oo la rabay inay ka soo dhex baxaan 5700 oo ruux, rag iyo dumarbna leh, arinkii waxaa uu soo jiitamaba waxa noo soo baxay 1970 qof, waanu sii kala reebnay, manatana (shalay) imtixaanka waxaa u fadhiisanaya 452 qof oo ah 45-boos oo aanu laba u kala reebnay, maaha laba isleeg oo 8 boos oo qolada dugsiyada sare ah ayaanu gaar uga soo saarnay, kuwa maanta (Shalay) galayaana waa jaamaciyiintii, 452 qofna waxaa ay u tartamayaan 37 boos, marka aanu inta dusiyada sare ka saarno ilaahayna dee wax dhaama hayna siiyo”

Gudoomiye Nuux Sheekh Muuse Ducaale,  waxaa kale oo uu sheegay in maalinta Salaasada ah ee soo socota ay imtixaanka ka qaadi doonaan ardayda Dugsiyada Sare ah waxaana uu si aada ugu mahad celiyey Xildhibaanada aqalka wakiilada, Gudida la dagaalanka Musuqmasuqa Iyo sida oo kale arday uu Sheegay in isxilqaameen sidii ay Hay’ada uga caawin laahayeen hirgalinta iyo wax yaabaha lagu kala saarayo .

Masuul sare oo isna ka socday Wasarada Arimaha Gudaha ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay aad ugu farax sanyihiin in ay ugu horeeyan wasaaradaha kale in ay shaqaala cusub ay qaataan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland