Alle ha u naxariistee Waxa Goordhawayd ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa
siyaasi Marxuun maxamed cabdi iskeerse oo kamid ahaa siyaasiyiinta xisbiga kulmiye.
Marxuun Maxamed Cabdi iskeerse waxa uu in mudo ahba u jiifay cisbitaalka hargaysa xanuun ka
haleelay wadnaha iyo sambabada oo ugu dambayntii maanta uu u geeriyooday.
Marxuunku waxa uu ka mid ahaa aas aasayaashii xisbiga kulmiye sidoo kalena waxa uu xilalka soo
qabtay dayladii maxamed xaaji ibraahin cigaal oo uu ka soo noqday wasiirkii warshada