Hargaysa: Ciidamada Amaanka oo Shirka Kulmiye Dartii  Heegan loo Galiyay

Fariinta Wasiirka arimaha gudaha iyo Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland.

Hargaysa(SLpost)-Iyadoo filayo in berri subaxa uu Hargaysa ka furmo shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa caawa laga dareemayaa ciidamo dheeraad ah oo jidadka ku sugan. Gaadiidka ayaa lagu baadhayaa meelo badan oo magaalada ah, waxaanu boolisku ku foogan yahay ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde iyo taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ciidanka heegan galiyay, iyagoo taliska guud kula hadlay booliska. Waxay sheegeen in guud ahaan dalka la galiyay heegan gaar ahaanna Hargeysa.

Shirka Kulmiye ayaa waxa ka maqan Murrashixiinta isbahaystay ee Cabdicasiis Maxamed Samaale,Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe sidoo kale waxan ka qayb galay wasiiradii xukuumadda Axmed Siilaanyo dhawaan iska casilay.

Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye aya cabsi amaan ka qaba murrashixiinta qaadacay shirka Kulmiye ee maalinta bari ah ka dhici doona magaalada Hargaysa .

Halkan ka daawo fariinta Taliyaha ciidanka Booliska iyo Wasiirka arrimaha gudaha:

https://www.youtube.com/watch?v=rNWX-NlTDlk