“Hanti Ummadeed oo Qiimaheedu Yahay $240 Milyan Lama Arag Adduunka Xukuumad ku Wareejisa $11 milyan” Musharax Jamaal

 

Hargeysa (SLpost)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa qiimayn ku sameeyey hantida ay ku fadhiyaan Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera, isagoo sidoo kale isbarbardhigay lacagta ka soo xeroota haamaha iyo qiimaha la sheegay in xukuumaddu ku kiraynayso.

Mr. Jamaal Cali Xuseen oo wargeyska Jamhuuriya la soo xidhiidhay xalay isagoo ku sugan magaalada Berbera, waxa uu iftiimiyey in lacag dhan $24 milyan oo doollar oo sannadkii ka soo xerooto Haamaha Shidaalka, halka sidoo kale dakhliga kaashka ah ee tobankii sanno laga helo haamuhu yahay $240 milyan oo doollar ($240,000,000), sidaas darteedna aanay suurtogal ahayn in shirkadaha doonaya lagaga kireeyo $11 milyan oo qudha.

“Haddii la wareejinayo Kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera waa in la ogaado, lana qiimeeyo hantida ay ku fadhiyaan iyo dakhliga lacagta kaashka ah ee ka soo baxda sannad kasta, iyadoo aan muddo dheer ku shaqaynayey cilmiga baananka, hanti badana aan qiimayn jiray, waxa jira in habab kala duwan loo qiimeeyo hantida, oo mar waxa lagu qiimeeyaa haddii hantidaas wax la mid ah la bilaabayo oo tusaale ahaan haddii Haamo cusub sameeya la is yidhaa oo ah (replacement cost), waqti badana qaadanaysa, laakiin habka labaad oo ku salaysan dakhliga lacagta kaashka ah ee meesho soo saarto sannadkii oo lagu sar-gooyo muddo toban sanno ah, inta badan celcelis ahaan loo qaato saddexda sanno ee u dambeeya,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Waxaannu intaas ku daray; “Haddii aynu qaadano dakhliga Haamaha Shidaalku soo saaraan sannadkii oo ah $24 milyan oo doollar, sida ay warbixintooda ku sheegeen Guddida dabogalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilladu, si aannu taas u sii xaqiijino waxa aannu qaadanay in ilaa 20 kun oo mitir higtan ay maraan haamaha oo ku xidhan hadba inta haamood ee la isticmaalay oo halkii mitir higtar (meter hector) qaada 6 foosto, qiimaha halka foostana ahaa $18 doollar, markaas waa suurtogal in lacag dhan $24 milyan oo doollar sannadkii ka soo xeroodaan haamaha shidaalka, sidaas darteed, haddii aynu eegno tobankii sanno waxa ka soo xeroonaya $240 milyan oo doollar (240,000,000 doollar), marka ay sidaas tahayna waxaynu odhanaynaa Haamaha Shidaalka Berbera waxay ku qiimaysan yihiin $240 milyan, iyadoo cidda laga kiranayo ama lagu wareejinayo ay tahay in lacag intaas u dhiganta laga qaado, balse, waxa ceeb ah in xukuumadda KULMIYE ku doodo inay haamaha ku kiraynayso lacag dhan $11 milyan oo doollar oo qudha, taasoo aad uga yar dakhliga haamuhu ku qiimaysan yihiin.”

Murrashaxa UCID, ayaa sidoo kale sheegay in aanay suurtogal ahayn in shirkadaha ku doodaya in haamaha lagu wareejinayo laga qaado $11 milyan oo doollar, maadaama la ogyahay in haamushu sannadkii soo saaraan $24 milyan, isagoo xusay in arrintaasi aanay wareejin ahayn, balse tahay boob xoolaha ummadda lagu xadayo.

“Waxa aannu u arkaynaa in dawladdu boobayso dakhliga Haamaha Shidaalka, waxayna shirkaddan la sheegayo yihiin qaar macmal ah oo loogu gabanayo boobka khayraadka haamaha, markaa hanti ummadeed oo qiimaheedu yahay $240 milyan oo doollar adduunka lagama arag xukuumad tidhaahda $11 milyan ayaan ku bixinaynaa, iyadoo aan lagu bixin qandaraas oo ay ahayd in qiimaha ugu sareeya laga qaado shirkadda laga kiraynayo, taasina waa dhac iyo boob caddaan ah, laakiin haddii lacagtaas $24 milyan ah ee sannadkii ka soo baxa Haamaha qaybo ka mid ah la gelin lahaa horumarka adeegyada bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada dalku horumar ballaadhan ayuu gaadhi lahaa, macquulna maaha in $11 milyan lagu bixiyo hantida Haamaha Shidaalka ee ku fadhiya $240 milyan ee doollar.”

Xigasho Jamhuuriya