Hanti Dhowrka Guud ee Somaliland oo bilaabay baadhis ay ku samaynayaan Wasaaradda Arrimaha Debedda oo Musuq-maasuq lagu Eddeeyey

Hargeysa, 19 February 2012 (SLpost)-Hanti Dhowra Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ismaaciil (Maxamuud dheere), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay badhitaan Musuqmaasuq oo ay ka bilaabeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo dhawaan Agaasimihii hore ee xilka iska casilay ku eedeyey inay lunsatay hanti badan.

Hanti dhowr guud ee qaranka waxa uu sheegay in aqbaleen codsigii wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku dalbatay in baadhitaan lagu sameeyo Wasaaradda, isaga oo arrimahan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Haddii aan idinka waramo arrinta la xidhiidha Wasaraadda Arrimaha Dibadda, waxaan filayaa waxa suuqa ku jirta hanti dhowr ayaa loo yeedhay oo la galiyay ama loo diray. Laakiin baadhista xaqiiqdii markaan ka hadlo  hanti dhowrku wuxuu  u xilsaran yahay inuu sannad walba xisaab xidhka miisaaniyadda u gudbiyo golaha Wakiilada,”ayuu yidhi Hanti Dhowraha guud ee qaranka Maxamuud Aw-Cabdi Ismaaciil oo u warramayay telefishanka HCTV.

Hanti dhowruhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey, “Laba baadhis ayaanu samaynay oo la yidhaahdo intaanu khaladku dhicin ee dakhliguna uu bixin ama la qaban in aanu kantarool oo aanu hab u sii-dhigno oo  aanu ka hortag. Waxa la yidhaahdaa baadhista hore, baadhista noo xigtaa waxa weeye ee Wasaaradkaas ta noo soo maraysaa marka aanu miisaaniyada aanu diyaarinayno, waa na loo soo gudbiyaa markaa anaga ayaa hanti dhowr ahaan dib u sii baadhna. “Arrintaas oo Wasaaraddkasta iyo hay’addkasta oo lacag misaaniyeed leh ama lacagi ay gashay nooca ay tahayba way na soo maraysaa.”

Hanti Dhowraha guud ayaa sheegay inay ku jiraan diyaar garawgii miisaaniyadda ee 2011-ka “Markaa anagu waxaanu ku jirnaa diyaar-garawgii miisaaniyadii 2011-ka oo aanu gaynayno Gollaha Wakiiladda bisha June.Wasaradda arrimaha debadu waxay ka mid ahayd wasaraddihii aanu bil ka hor aanu baadhnay,”ayuu yidhi Hanti dhowraha guud ee qaranku

Sidoo kale, hanti dhowruhu waxa uu sheegay inay baadhitaankaas ay muddo ay wadeen isaga oo sheegay inay warbixin dheer ay  ka soo saari doonaan oo ku aadan baadhitaanka ay ku sameyeen Wasaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland “Sidii nidaamku ahaa ayaanu u raacaynaa, mana jiraan wax naga khaldamay, oo waxa lagala kulmaa lacagtii oo si wacan u baxday ama lacagtii oo si fiican loo qabtay oo Qasnadii dawlada lagu xareeyay iyo lacagtii oo si wanaagsan oo sharci ah u baxday. Markaa waxaanu dad waynaha u balanqadaynaa in aanu si caddaalada u baadhayno oo haddii wax masuqmaasuqa ah meel kasta ha ka dhacee, cid nagu soo fara-galisa ma jirto oo sharcigayaga waanu u madax banaanahay talaabada ku haboona ee cdaaladda wafaqsan aanu ka qaadayna.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net