Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo Dhaliilay Qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud

Hargeysa (SLpost)- Hanti-dhowrihii Guud ee hore ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Mr Siciid Saleebaan Mire, ayaa sheegay inaanay jirin haba-yaraatee wax deyn ah oo xukuumaddii hore kaga tagtay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxase uu qiray inay jirty dheelli-tirnaan xagga Kharashka iyo dakhliga ee miisaaniyadda xilligii kala-wareegga labada xukuumadood.

hanti-dhowre Siciid Mire

Mr Siciid oo xilligan ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa uu sheegay in isaga iyo Xisaabiyaha Guud tiraba dhowr jeer isugu yimaaddeen kulamo ay ku xaqiijinayaan inay jirto Wax deyn ah oo xukuumadda hore kaga tagayso xukuumadda cusub, sidaa awgeedna aanay jirin wax deyn ah marka laga reebo inay miisaaniyadda ka muuqatay Isu-dheeli-tirnaan la’aan xagga kharashka iyo dakhliga ah.   

 

 “Goob-joog baan ahaa xilligii kala-wareegga laba xukuumadood, Xisaabiyaha guudna goob-joog buu ahaa. Haba yaraatee wax deyn ah oo xukuumaddii hore ka tagtay may jirin. Wasiirkii horena wuu ka caddeeyey meesha, wasiirkii cusbaana wuu kula wareegay.

 

Intii aanay xil-wareejintu dhicin, xisaabiyaha guud warqad qoraal ah ayaan u qoray in wax deyn ah oo taagani ay jirto, dhowr kulanna waanu yeelannay aanu ku hubinayno inay jiraan wax deyn ah oo xukuumaddu kaga tagayso xukuumadda cusub. Markaa ma jiro wax deyn ah oo ay ka tagtay xukuumaddii hore marka laga reebo Surplus (dheeli-tirnaan Kharashka iyo Dakhliga miisaaniyadda ah) ka tagtay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Siciid, waxaanu intaas raaciyey, “Madaxweynihii hore bishii afraad wuxuu soo saaray wareegto uu ku joojiyey wax allaale wixii aan ahayn Running Cost (kharashka lagu shaqaynayo) inay ka baxaan qasnadda sida shidaalka, raashinka ciidamada isagoo uga dan lahaa in dowladda cusub u timaaddo keyd lacageed oo ay ku shaqayso inta bilowga ah.”

 

Dhinaca kale, Mr Siciid Saleebaan waxa kale oo uu duray qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud oo uu is-barbardhig ku sameeyey farqiga u dhexeeya awoodda masuuliyadeed ee xafiisku u leeyahay gudashada waajibkiisa xukuumadii hore iyo xukuumadda xilligan.

 

 “Madaxweynihii hore markiiba tallaabo ayuu qaadi jiray marka wax musuq-maasuq ah la helo, hanti-dhowrka shaqadiisuna maaha meel baanu baadhnay, laakiin waa in la soo bandhigaa waxyaabaha lagala kulmay. Awoodda hanti-dhowrka waxa ka mid ah haddii musuq-maasuq la qabto in markiiba la xidhi karo, ugu badnaan waa in 48 saacadood lagu soo gudbiyaa gal-dacwadeedka cidda la eedeeyey.

 

Markaa wax iska caadiyaan u arkaa meelahan la marayo iyo meel heblaayo ayaa la baadhay,” Sidaas ayuu yidhi hanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ugu warramay telefishanka Eryal.