Hanti-dhowraha Qaranka oo kulan aqoon-isweydaarsi ah u furay Xisaabiyeyaasha Hay’adaha Dawladda

Hargeysa, 27 February, 2012 (SLpost)- Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Muxumed Aw Axmed  ayaa Maanta u furay aqoon is weydaarsi socon doona muddo laba cisho ah isla markaana ay ka qayb qaadanayaan Xisaabiyayaasha Wasaaradaha dawlada kaas oo ka qabsoomay Hoolka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada ee Caasimada Hargaysa.

aqoon isweydaarsigan ayaa socon doona Mudo laba Cisho ah.

Agaasimaha Machadka Tababarka  Shaqaalaha Dawlada Prof Maxamed Mixile Boqore oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay ahmiyada loo qabo in la tayeeyo Xisaabiyayaasha laamaha dawlada maadama ay yihiin sida uu xusay kuwo kaalin firfircoon ku dhex leh hawl qabadka Wasaaradaha waxaanu intaas ku daray in ay daruuri tahay sidii ay isula jaan qaadi lahaayeen Xisaabiyayaasha iyo Hanti dhawrka Qaranka.

Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Muxumed Aw Axmed   “Muxumed Dheere” oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in mar kasta oo sanad miisaaniyadeed dhamaado mid kalena soo galo ay muhiim tahay in Xisaabiyayaashu ay la jaan qaadaan Marxalada lagu jiro isla markaana ay is waafajiyaan Waaranada lacag dalabka ah iyo Wadciga lagu jiro.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net