HANTI DHAWRKA QARANKA MISE HANTI DHACA QARANKA‏

waxaynu ognahay in waxqabadka xukumada siilanyo  ay ku jirto hay’ada hanti dhawrka qaranka oo isla markaa shaqaynaysa. marka loo eego xukumadihii ka horeeyay, islamarkaana loo dhisay dhisme cusub oo qurux badan oo ku kacay 1million doller, iyado ay u jeedadu tahay ilaalinta hantida umadda iyo laxisaabtanka khasnadaha dawlada isla markaana loo baahna inay gudato shaqadeeda si madax banaan, lagana filayey talaabo horumarineed oo loo bahna taas oo ay tahay iney xakamayso lunsiga hantida umadda iyo musuqmaasuqa ku baahay laamaha dawlada,

 hadaba waxaynu ognahay hay’adi sidaa ku magacaabnayd iney isu badashay hay’ada lunsashada hantida umadda ama (Hanti dhaca Qaranka). sioo kale tahayna mid fadhiida oo haba yaraate wax dana qaranka u hayn hagardaamo mooye, iyadoo baal martay ajandihi hay’ada oo ahayd xisaab hubin( Auditing) xafiisyada dawlada si loo contoro lo lacagaha sida sharci darada kaga baxaya khasnadaha dawlada ama ay lunsanayaan qawlaystada ku mamay xoolaha umadda, sababtuna ay tahay gudoomiye maxamuud( shaadhweyne) oo waajibkiisi shaqo dhaafsiisanaya waxoogaa gacan laaba oo marka uu haayadaha baadhayo layskaga jeediyo si uu iskaga indha tiro xaqiiqada jirta , taasina waxay fursad siisay inay ku takrifalaan hantidii ay umadda u hayeen iyadoo ay ahayd iney adeegyada bulshada ee dayacan wax ugu qabtaan.
hadaba wa kuma gudoomiyaha hay’ada maxamuud(shaad weyne) waa shakhsi khabiir ku ah dilaalida hantida umadda iyo shilimada yar ee u madawga ka sii qaaday tan iyo ilaa dawladi siyaad barre  oo uu ku noola, isagoo ilaa hatana kula gorgortama xafiisyada lacageed ee dawlada iney laalush ku abaal mariyaan si uu ugu fudaydiyo dhaca iyo boobka hantida umadda.
W/Q:Cabdicasiis Cabdilaahi (Booshari)