“Hankaygu Wuxuu Gaadhsiisan Yahay Inaan Isu Soo Taago Madaxweyne” Wasiirka Duulista

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inuu hankiisa gaadhsiisan yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.Wasiirka-Duulista-Somaliland

Maxamuud Xaashi oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayay madaarka Hargeysa ayaa tilmaamay in hankiisa siyaasaddeed yahay mustaqbalka inuu isu soo taago musharaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.

Wasiirka duulista oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Siyaasadda kamaan bilaabin wasiirnimo, waxaan kazoo bilaabay meel hoose. Anigoo labaatan sanno jir oo dugsiga sare ka baxay baan ku biiray ururkii SNM, waxaanan kazoo bilaabay maamule, buurtaa dheer ee halka ugu sareysaa madaxweyne tahay halka ugu hoosaysa ayaan kazoo bilaabay maayar baan soo noqday xildhibaan baan noqday, markaa han weyn baan leeyahay, waxaan qabaa inaan hogaamin karo ummad balaadhan, inaan horumar balaadhan samayn karo, laakiin hankaygu waa mid waaqaca ka turjumaya ma lihi imikaan sharaxanahay, laakiin ma han yari.”

Somalilandpost.net