Hanka iyo Hoggaaminta Muuse Biixi iyo kala Hayaanka KULMIYE! – W/Q: Eng Hussein Adan Igeh | (Qayb. 2-aad)

Eng Hussein Adan Egeh1. Hanka Muj. Muuse Biixi:

Muuse Biixi Cabdi waa Siyaasi ay bulshada JSL badankoodu wada yaqaannaan. Waa nin leh Han, Hammi iyo Damac siyaasadeed oo fog isla markaana ku fikira (si kasta ha ku helee) sidii uu maalin maalmaha ka mid ah u qaban lahaa hoggaanka ugu sarreeya Dalka JSL. Ka rumaynta iyo ka-rumyn-la’aanta himiladaa Muj. MBC waxay ku xidhantahay ama saldhig u ah arrimahan soo socda: calaf, nasiib, waqtiga iyo wadciga siyaasadeed oo saacida; dulqaad, sabir iyo daacadnimo uu muujiyo; degenaansho, dedaal iyo hawl-karnimo uu la yimaado; muruq, maal iyo maskax uu u huro. Waxa kale oo iyana lagama maarmaan u ah inaan Hanka Madaxnimo ee uu Muuse Biixi leeyahay aanu ku salaysnaan: “Cadyohow ku Cunay, ama ku Ciideeyey”. Waxa loo baahan yahay inaanu mudnaanta koowaad siinin damaciisa madaxnimo, balse uu u tudho una tanaasulo halkay danta dadka iyo ta dalkuba ku jiraan;

2. La wareegii Hoggaanka Xisbiga iyo Dareenkii MBC u gaarka ahaa:

Guushii uu Xisbiga KULMIYE ka soo hooyay doorashadii Madaxweynenimada ee 26-kii Juun 2010-kii kaddib, Madaxweynaha la doortay wuxuu markiiba bilaabay inuu dhiso golihii xukuumadda cusub. M/weyne Axmed Silaanyo wuxuu go’aansaday inuu soo dhiso Xukuumad kooban oo aanu badankooda ku soo xulanin Xisbinnimo, balse uu ku xushay arrimo kale oo uu M/weynuhu lagama-maarmaan u arkayey xagga wada-shaqaynta Xukuumaddiisa cusub. Arrin uu M/weynuhu xaq u lahaa imikana uu xaq u leeyahay oo ah qaabka iyo sifaha uu ku soo xulanayo masuuliyiinta Xukuumaddiisa, ayaa rag badan oo miisaan ku lahaa KULMIYE waxay saluug iyo sawaxanba ka muujiyeen markii ay Xukuumaddii Kulmiye ee ugu horraysay iska dhex arki waayeen!!

 

Raggaa waxaa Calanka u siday Muj. Muuse Biixi oo isagu si weyn u doonayey una naawilayey inuu ka mid noqon doono Golahii wasiirrada ee Xukuumadda cusub, oo uu weliba sii qoondaystay inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda, haddii uu waayana ka Arrimha Gudaha ee Xukuumadda Axmed Silaanyo, balse MBC wuu iska dhex waayey Xukuumaddii Kulmiye ee cusbayd. Dabadeedna, sida uu dhigayey heshiiskii ay u codeeyeen Golihii Dhexe ee KULMIYE, March 2008-da Burco, in haddii KULMIYE doorashada ku guulaysto Xisbiga lagu wareejin doono Muj. MBC, isagoo Muuse ka duulaya heshiiskaa, waxa uu si deg-deg ah Madaxweynaha ugala wareegay hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

 

3. Xisbi noocee ah ayaa Muj. Muuse Biixi lagu wareejiyey?

Muj. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu noqday siyaasigii ugu horreeyey Jam.Somaliland ee nasiibka u yeesha in lagu wareejiyo Xisbi Qaran oo leh mustaqbal siyaasadeed oo wacan kaasoo cagta saaray dariiqii uu muddo dheer ku hoggaamin lahaa loollanka siyaasadda dalka Jam.Somaliland.

Muuse Biixi waxa lagu wareejiyey:

  1. Xisbi Qaran oo mug iyo miisaanba leh.
  2. Xisbi salka ku haya sooyaalka iyo raad-raaca taariikhda halgankii ummadda.
  3. Xisbi ku gaashaaman aqoon, karti iyo hal adaygnimo.
  4. Xisbi waayo arag ah oo in ka badan 7 sano ahaa mucaarid aad u mayal-adag.
  5. Xisbi leh xeer iyo xaagaan uu ku dhaqmo, oo dhaqan u lahaa is tix gelin, talo wadaag iyo isu tanaasul.
  6. Xisbi lahaa hoggaan iyo hab maamul isku kalsoon oo ay hagaan hadaf iyo himilo siyaasadeed oo cad.
  7. Xisbi gaadhay guul taariikhi ah gacanta ku dhigay hoggaanka iyo talada dalka.
  8. Xisbi lahaa taageerayaal aan qiyaas lahyn iyo Bah-weyn dhinac u wada jeeda oo fikir, muruq iyo maskaxba ka midaysnaa sidaana guul ku gaadhay.
  9. Xisbi ay wax walba u dhan yihiin oo Hoggaankiisii, Guddidii fulinta, Golihiisii Dhexe ay dhammaanba dhisan yihiin.
  10. Xisbi Qaran oo leh mustaqbal siyaasadeed oo wacan oo uu muddo dheer ku hoggaamin lahaa loollanka siyaasadda dalka Jam.Somaliland.

Dhinaca kale, waxa si weyn u muuqatay in Muj. MBC uu aad uga xumaaday qaabka iyo dadka uu M/weyne Axmed Siilaanyo u xushay xukuumaddiisa, taasina waxay Muuse ku reebtay uur-ku-taallo, ficiltan iyo tabasho aan dhammaad lahayn. Muuse Biixi wuxuu aaminsanaa, marka laga reebo Madaxweynaha la doortay, inuu isagu ahaa “NINKA UGU MUDNAA” Xisbiga KULMIYE ee loo abaal-gudi lahaa, iyagoo la wada ogyahay inay Kulmiye ku jireen rag badan oo MBC Xisbiga ugu soo horreeyey oo isaga la miisaan ahaa ama ka cuslaaba!! MBC wuxuu iska dhaadhiciyey in la hagraday, in la qadiyey oo wixii xaqa uu u lahaana aanu haba yaraatee ka helin M/weynaha iyo Xukuumaddiisa.

Haddaba waxa xusid mudan in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu si fiican uga dheregsanaa in Xisbiga lagu wareejiyey uu ahaa Xisbi muddo dheer la Magac iyo Muuqba ahaa guddoomiyihiisii hore. Taageerayaal aan xad lahayn oo Xisbiga KULMIYE taageeri jiray ayey magacyada Axmed Silaanyo iyo KULMIYE isugu mid iyo macnoba ahaayeen, sababtaa awgeedna Xisbiga ugu codeeyey. Haddii aan hadalka si kale u dhigo, Mujaahid MBC waxa lagu wareejiyey amaba uu gashaday SHAAD ay far waaweyni ku qorantahay: “KULMIYE=AXMED SILAANYO”. Miyaanay ahayn hawsha iyo masuuliyadda ugu horraysa ee Mujaahidka Xisbiga Lagu Maamuusay sidii uu u tolan lahaa SHAAD ay ku qoran tahay: “MUUSE BIIXI=KULMIYE”.

Sidoo kale waxa uu Muj. MBC si cad u ogaa in lagu wareejiyey “FARAS” uu nin hore lahaa oo uu si fiican u jara-bartay. Haddii uu MBC dareemay in “FARASKA KOORIHII” lagala hadhay, miyaanay ahayn hoggaamiyaha masuuliyaddiisa inuu isaguna FARASKA u jara-barto sida isaga anfacaysa? FARASKA caddaysimada ah ee lagu wareejiyey, KOORAHA iyo AGABKA kale ee Faraska lagama maarmaan u ah iyo weliba xannaanayta Faraskana saw may ahayn in MBC uu dusha u rito??

4. Tallaabooyinka loo baahnaa inuu qaado Guddoomiye MBC:

Sida qaalibka ah, Xisbiyada Siyaasiga ah ee waqtigan casriga ah, guusha iyo guuldarrada Xisbiga waxa doorweyn ka ciyaara waa Hoggaamiyaha, shakhsiyaddiisa, taariikhdiisa iyo sumcadda uu bulshada dhexdeeda ku leeyahay. Dad badan baan iyagu Xisbiga ku dooranin barnaamijyada siyaasadeed ee uu Xisbigu leeyhay balse Xisbiga ku doorta ama kaga leexda fikirka iyo aragtida ay ka haystaan Hoggaamiyaha Xisbiga. Sidaa darteed, dabeecadda, daacadnimada, dad la dhaqanka iyo dulqaadka hoggaamiyuhu waa astaamo lagama maarmaan u ah jiritaanka Xisbiga iyo soo jiidashada codbixiyeyaasha.

Haddaba, laga bilaabo markii uu Muj. MBC si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Xisbiga KULMIYE (28.08.2010) waxa la gudboonaa inuu si dhab ah ugu guntado hawlaha baaxadda leh ee isaga horyaallay. Muruq, maal iyo maskaxba waxay ahayd in MBC uu isagu isku-tashado, waxana la gudboonaa inuu la yimaado fikir iyo aragti cusub oo hoggaamiyenimo iyo mid siyaasadeed oo uu ku kasbanayo kalsoonida shacabka.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa la gudboonaa:

  1. Markii Xisbiga lagu wareejiyey MBC, waxay ila tahay inay la gudboonayd inuu dejiyo ajende iyo nidaam ay Xisbiga iyo Xukuumadda ku wada shaqaynayaan, oo ay wada sexeexaan M/weynaha iyo Guddoomiyuhu, taasoo ay ku qeexantahay waajibaadka iyo masuuliyadda dhinac walba saaran.
  2. Inuu la yimaado hab-maamul iyo nidaam uu ku hagayo hawl-maalmeedka ka socota Xarumaha Xisbiga ee Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.
  3. Guddoomiyuhu isagoo ka duulaya hankiisa iyo hadafkiisa siyaasadeed ee Mustaqbalka, waxa Gud. Xisbiga la gudboonaa inuu soo bandhigo aragtidiisa iyo himiladiisa uu ku hagayo Xisbiga.
  4. In Guddoomiyuhu ilaaliyo, ka warhayo oo uu ku fara adaygo hab-sami-u-socodka hawlaha baaxadda leh ee Xisbiga iyo weliba adkaynta iskaashiga iyo wada-jirka bah-weynta reer Kulmiye.
  5. Si uu Xisbigu u gudan karo hawlihiisa, waxay ahayd masuuliyadda Guddoomiyaha cusub inuu u raadiyo kharsh iyo dakhli u gaar ah Xisbiga oo ka madax-bannaaneeya ku tiirsanaashaha Xukuumadda.

 

W/Q: Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |Birmingham, United Kingdom|

 

 

(La soco qaybaha soo socda………….In Sha ALLAH)