Hanjabaadii Wasiirka Madaxtooyadu U Jeediyey Warbaahinta Oo Ficil Isku Badashay Iyo Wariye Xalay Lagu Dhaawacay Hargeysa

Hargeysa (SL.Post) Hanjabaadii wasiirka madaxtooyada somaliland u jeediyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta somaliland ayaa u muuqata mid ficil isku badashay.

 

14237627_1740793409504557_3457412398690992055_n-jpg

 

Wariye Khadar Cabdi Xasan (Khadar Gurayte) oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawl gala magaalada Hargeysa ayaa habeenkii xalay weerar kala kulmay koox hubaysan oo aan wali la aqoonsan kuwaas oo dhaawac u gaystay isla markaana burburiyey gaadhigiisa.

 

Weerarkan ayaa suxufiga lala beegsaday wakhti uu marayey wadada ka dambaysa dhakhtarka weyn ee caasimada Hargeysa,  waxaanu dhaawac jabitaan ahi ka soo gaadhay gacanta midig, iyada oo dhalinyarada dhaawaca gaadhsiisay ay ku baxsadeen gaadhi wateen oo ahaa nooca loo yaqaano Noah.

 

Wariye Khadar Gurayte  oo khadka telefanka ugu waramay Hadhwanaagnews oo aanu warkan ka soo xiganay,  ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday uu la xidhiidhinayo xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaanu ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka badan bixiyo.

 

Dhacdada foosha xun ee lagula kacay wariyahan ayaa ku soo beegmaysa hanjabaado uu wasiirka madaxtooyada somaliland u jeediyey qaybaha warbaahinta isaga oo si cad u sheegay inay dalka qaban doonaan saxaafada oo uu ku tilmaamay budhcad Badeed.

 

Hanjabaada iyo ficilada uu wasiirka madaxtooyadu doonayo inuu ku cabudhiyo saxaafada xorta ah ayaan noqon doonin mid ay warbaahintu kaga joogsadaan adeega ay u hayaan bulshada, iyada oo warbaahintu soo martay xaalado ka adag tan ay maanta ku hawl gasho.

 

 

Somalilandpost.net